Waqtiga La Ciyaarayo Finalka Koobka Loo Saadaalinayo Manchester United Ee Carabao Cup

Lugta hore ee wareegga semi-finalka tartanka Caraboa Cup ayaa caawa lasoo gabogabayn doonaa iyadoo toddobaadka dambena ay kooxuhu is-haleeli doonaan si ay ugu kala baxaan kullamada loogu gudbayo finalka.

Manchester United ayaa waxay caawa marti u noqon doontaa Nottingham Forest oo ay Arbacada toddobaadka dambena ku martigelin doonto Old Trafford, waxaana uu tababare Erik ten Hag rajaynayaa in ay kooxdiisu soo dhaafi doonto Nottingham Forest.

Hore waxa usoo ciyaaray Newcastle United oo xalay si dhib badan kusoo dhaaftay Southampton, balse waxay mar kale labadan naadi isku noqon doonaan toddobaadka dambe oo ay kala bixi doonaan.

Carabao Cup ayaa noqon doona koobka ugu horreeya ee la kala qaadi doono, waxaana si weyn loogu saadaalinayaa Manchester United oo muujinaysa awood xad-dhaaf ah xilli ciyaareedkan, kaddib saxeexyo khibrad leh iyo tababare Erik ten Hag oo beddelay falsafaddii ciyaareed ee kooxda.

Liverpool oo ah kooxda koobka difaacanaysay, isla markaana bishii February ee sannadkii hore rikoodheyaasha  ku garaacday Chelsea, soona afjartay afar sannadood oo xidhiidh ahaa oo ay Man City koobkan ayaa waxay ku hadheen wareeggii 16ka, waxaana reebtay Manchester City oo iyadana ay tartanka ka saartay Southampton oo 2-0 kuy garaacday kulankoodii ka dhacay St Mary’s.

Goorma ayaa la ciyaarayaa finalka Carabao Cup? 

Finalka tartanka Carabao Cup ee xilli-ciyaareedka 2022/23 waxa la ciyaari doonaa maalinta Axadda ee February 26, 2023. Garoonka qaranka ee Wembley ayay iskugu iman doonaan labada kooxood ee soo baxaa.

Inkasta oo aan wali la cayimin waqtiga, haddana finalkii xilli ciyareedkii hore ee la dheelay 6:30pm ayaa la filayaa in aanu ka dambayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*