Waqtiga Ay Garoomada Kusoo Laabanayaan Xiddigaha Ka Dhaawacan Liverpool Ee Firmino, Jota, Matip, Thiago, Konate Illaa Kelleher

Dersin ciyaartooyo ah ayaa dhaawacyo kaga maqan Liverpool xilli ay isku diyaarinayaan ciyaarta adag ee Manchester United ee horyaalka Premier League, sidoo kalena aanay wax guul ah helin labadii ciyaarood ee hore oo ay barbarro galeen.

Kooxaha reer London ee Fulham iyo Crystal Palace ayaa barbarro ku qabtay Liverpool, waxaanay durba lumiyeen afar dhibcood halka kooxda ay xafiiltamayaan ee Manchester City ay lix dhibcood ka urursatay labadii ciyaarood ee ay dheeshay.

Jurgen Klopp ayaa waxa dhaawacyada usii raacay ganaax saddex ciyaarood ah oo lagu riday weeraryahanka reer Uruguay ee Darwin Nunez oo kaadh casaan ah qaatay ciyaartii Crystal Palace.

Labada ciyaartoy ee Naby Keita iyo Kostas Tsimikas ayaa kusoo laabtay Liverpool kulankii Crystal Palace iyadoo uu beddel kusoo galay Tsimkas, halka Keita la filayo inuu si buuxda taam u noqdo ciyaarta Manchester United. Sidoo kale, Roberto Firmino oo9 ciyaartii u dambaysay seegay ayaa la filayaa inuu kusoo noqdo tababarka  ka  hor ciyaarta Old Trafford.

Wargeyska Liverpool Echo oo kasoo baxa magaalada Liverpool ayaa soo bandhigtay xogta dhaawacyada iyo waqtiga uu mid walba soo laaban doono, waxaana ku jira kuwo aan wali la garanayn xilliga ay soo laaban doonaan oo wali la dhibaatoonaya dhaawacyo, sida Caoimhin Kelleher.

Thiago Alcantara – Horraanta bisha September ayuu soo noqon doonaa. Waxa laga yaabaa inuu ciyaaro kulanka Chelsea ee September 18.

Joel Matip – Kulamada Bournemouth ama Newcastle United ayaa uu kusoo laaban doonaa garoomada, taas oo ka  dhigan in uu ciyaarta Manchester United maqnaan doono.

Roberto Firmino – Liverpool ayaa rajaynaysa in uu tababarka kusoo laaban doono toddobaadkan oo uu diyaar u noqon karo ciyaarta Manchester United ee Isniinta.

Diogo Jota – Dhamaadka bishan August amaba horraanta September ayaa la filayaa in uu soo laabto, waxaana suurtogal ah in uu ciyaaro kulanka Merseyside derby ee Everton.

Ibrahima Konate – Horraanta bisha September ayaa la filayaa inuu kusoo laabto garoomada. Jurgen Klopp ayaa filaya in uu qayb ka noqon doono ciyaarta Merseyside derby ee Everton ee September 3.

Curtis Jones – Dhamaadka bisha August ayaa la filayaa in uu garoomadakusoo laabto. Waxa laga yaabaa in uu ciyaaro kulanka Bournemouth ee August 27.

Alex Oxlade-Chamberlain – Dhamaadka bisha September ayaa uu Oxlade-Chamberlain garoomada kusoo laaban doonaa, iyadoo hore loo xaqiijiyey in dhaawacii kasoo gaadhay safarkii kooxdiisa ee Singapore in uu muddo saddex bilood ah u jiifayo.

Caoimhin Kelleher – Goolhayahan da’da yar oo ka maqnaa garoomada tan iyo dhamaadka xilli ciyaareedkii hore ayaa waxa la filayaa in uu dhamaadka bishan August kusoo laabto tababarka. Kulanka Bournemouth ee August 27 ayaa la filayaa inuu kusoo laabto garoomada.

Calvin Ramsay – Wali lama oga waqtiga uu saxeexan cusub ee Liverpool kusoo laaban doono garoomada.

Kaide Gordon – Da’yarkan ayaa la sheegay in uu tababarka kusoo laaban doono dhamaadka bishan August.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*