Waqtiga Ay Anthony Martial Iyo Jadon Sancho Kusoo Laabanayaan Manchester United Oo La Shaaciyey

Tababaraha  kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa shaaciyey waqtiga ay soo laaban doonaan labada ciyaartoy ee Anthony Martial oo dhaawac ku maqan iyo Jadon Sancho oo dhibaato dhinaca jidhka ah uga maqnaa kooxdiisa inta badan xilli ciyaareedka.

Erik ten Hag ayaa war fiican ka helaya dhakhaatiirta kooxdiisa ka hor lugta labaad ee semi-finalka Carabao Cup ee ay Nottingham Forest la ballansan yihiin.

Martial ayaa kusoo laabtay tababarka kooxdiisa, waxaana sidoo kale maalmihii ugu dambeeyey taam ahaanshihiisu soo fiicnaanayay Jadon Sancho, waxaana Erik ten Hag oo maanta la hadlay saxaafaddu uu sheegay in labadan ciyaartoyba ay usbuucan diyaar yihiin.

“Waxay ila tahay in Anthony Martial iyo Jadon Sancho ay kooxda kusoo laaban doonaan berri, laakiin Scott McTominay ayaa maqnaan doona.” Ayuu yidhi Erik ten Hag.

Martial ayaan u ciyaarin Manchester United intii ka dambaysay kulankii Manchester Derby oo uu qaybtii hore ku dhaawacmay, waxaanay u ahayd markii afraad ee uu dhaawacmo xilli ciyaareedkan.

Sancho ayaa dhinaca kale aan u dheelin Manchester United tan iyo ciyaartii Chelsea ee barbarraha 1-1, mana ciyaarin laga soo bilaabo kulankii West Ham ee bishii October, iyadoo illaa haddnaa aanay Manchester United si rasmi ah u xaqiijinin sababta rasmiga ah.

Red Devils ayaa kaliya ku sheegtay maqnaanshihiisa in uu dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah iyo mid jidheed uu ku maqan yahay, waxaana uu 22 jirkani safar ku tegay Netherlands oo uu kusoo qaatay tababarro uu isku diyaarinayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*