Waatan Shuruuda Adag Ee Uu Mason Mount Ku Xidhay Inuu Heshiis Cusub U Saxeexo Chelsea

Da’yarka kubad sameeyaha khadka dhexe ee Chelsea ee Mason Mount ayay wararku sheegayaan inuu shuruud ku xidhay heshiis kordhin uu u sameeyo kooxdaas.

Mason ayaa haatan ka maqan Stamford Bridge isagoo soo gudanaya waajibaadkiisa xulka isla markaana England Koobka aduunka kagala qayb galaya dalka Qatar.

Mount iyo Chelsea ayaa si wadajir ah iskugu raacay in la hakiyo wadahadalka heshiis kordhinta mudada uu ku maqan yahay koobka aduunka.

Wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya xog cajiib ah oo ah in Mount uu Blues ku xidhay shuruuda ah inay 300,000 oo pound mushahar u siiyaan toddobaadkii si uu heshiis cusub qalinka ugu duugo.

Heshiiska uu haatan ku joogo Stamford Bridge ayaa ah mid ay ka hadheen 18 bilood, walow ay wadahadaladu socdeen haddana ma jiro wax horumar weyn ah oo laga sameeyay.

Dhawaan ayay ahayd markii ay Chelsea heshiis cusub oo wakhti fog ah ka saxeexatay daafaceeda midig ee Reece James oo Usbuucii 250,000 oo pound qaata.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*