Waatan Shaxda Ay Man United Doonayso Inay Markale PL Ku Maamusho Xilli Ciyaareedka Dambe & Toddobada Waji Ee Ku Cusub

Manchester United ayaa safkeeda shan saxeex oo cusub kusoo xoojin karta suuqa sanadkan, Erik Ten Hag ayaan wali saxeexiisii koowaad ee kooxdaas samaynin tan iyo magacaabistiisii balse imaatinka ciyaartoy badan ayaa la filayaa.

Haatan waxa aanu halkan idinku soo bandhigaynaa shaxda ay xilli ciyaareedka dambe kusoo shirtagi karto Manchester United iyo shan saxeex oo ku cusub maadaama tiradaasi tahay mida la sheegay inuu doonayo Ten Hag.

Goolhayaha xulashadan ayaa ah David De Gea xilli uu Nottingham Forrest amaah ugu baxayo Dean Henderson halka labada daafac dhexe yihiin Jurrien Timber iyo Raphael Varane, waxa halis ku jira boosaska kabtan Harry Maguire iyo Victor Lindelof.

Garabka daafaca midig ee shaxdan ayaa ah Dumfries oo Inter Milan ka tirsan isla markaana lala xidhiidhinayo Old Trafford halka uu daafaca bidix yahay Luke Shaw oo lagu wado inuu booskiisa sii xejisto.

Labada khad dhexe ee shaxdan ayaa ah Christian Eriksen iyo Frankie De Jong oo ah kuwa uu aadka u doonayo Ten Hag halka kubad sameeyaha ka horreeyaa yahay Bruno Fernandes.

Garbaha xulashadan ayaa ah Jadon Sancho iyo Antony oo kasoo hormaray Marcus Rashford iyo Anthony Elanga, ugu dambayn dhaliyaha xulashadan ayaa noqonaya Cristiano Ronaldo oo loo badinayo inuu baaqi kusii ahaado OT.

Shaxda Oo Kooban: De Gea, Dumfries, Varane, Timber, Dumfries, Shaw, De Jong, Eriksen, Fernandes, Sancho, Antony iyo Ronaldo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*