“Waar Xataa Nasiib Ayaa Ku Leedahay Inaan Shanta Sarre Kugu Daray….” Dagaalka Ferdinand Iyo Terry Oo Faraha Kasii Baxay

Halyeeyada kooxaha Chelsea iyo Manchester United ee John Terry iyo Rio Ferdinand ayaa markale baraha bulshada gaar ahaan barta Twitter-ka isku mariyay qoraalo.

Dhawaan ayay ahayd markii Ferdinand oo BT Sports waraysi kaga qaaday daafaca Liverpool ee Virgil Van Dijk uu soo xushay shanta daafac dhexe ee uu u arko kuwa ugu wanaagsan taariikhda Premier League.

Ferdinand ayaa xulashadaas isagu booska koowaad is galiyay halka uu John Terry booska shanaad ee ugu dambeeya geeyay taas oo u muuqatay mid uusan ku qancin kabtankii hore ee Blues.

Terry ayaa xalay bartiisa Instagram ku muujiyay sida uusan ula dhacsanayn aragtida Ferdinand isaga oo soo dhigay sawir uu kusoo ururiyay guulaha uu gaadhay waayihiisa ciyaareed.

Intaas kaddib Ferdinand oo ogaaday sida dadban ee uu Terry ugu soo jawaabay ayaa barta Twitter-ka ku xusay isaga oo u sheegay inuu xataa nasiib ku leeyahay inuu shanta sarre ee difaacyadaas kusoo daro kaddib cunsuriyadii uu sanado kahor kula kacay walaalkii Anton Ferdinand.

“Marka uu qof bilaabo inuu soo riixo rekoodhadiisa iyo tirooyinkiisu waa marka uu dhab ahaan bilaabo inuu soo bandhigo isla weynidiisa liidata. Nasiib ayaad ku leedahay inaan shanta sarre kugu darro kaddib kiiskii cunsuriyada ee walaalkay sidaas darteed noqo mid ka mahad-naqa” ayuu yidhi Ferdinand oo la hadlayay Terry.

Intaas kaddib Terry oo qoraalkaas ka falcelinayay ayaa yidhi “Isla weynida liidata waa inaad naftaada booska koowaad galiso, waad ku mahadsantahay inaad shantaada sarre igu dartay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*