Weeraryahanka reer Germany ee Timo Werner ayaa digniin u diray Liverpool ka hor ciyaarta finalka FA Cup ee ay kooxdiisa Chelsea berri kula ballansan tahay Wembley Stadium.
Chelsea ayaa Sabtida la ciyaari doonta Liverpool oo horraantii sannadkan kaga guuleystay Carabao Cup, waxaanay Chelsea doonaysaa inay koobka ku guuleysato kaddib markii labadii sannadood ee ugu dambeeyey ay finalka ku garaaceen kooxaha Leicester City iyo Arsenal oo koobka ku garaacay.
Haddii ay Liverpool ku guuleysato FA Cup, waxay noqon doontaa finalkii saddexaad ee tartankan ah ee Chelsea lagu karbaashay, waxaase niyad-samaan badan qaba Timo Werner oo sheegay in ay Liverpool iska celin doonaan.
Waxa uu intaa ku daray, in ciyaartan ay Chelsea u dheeli doonto sidii iyaga oo riwaayadsanaya oo kale, waxaanu yidhi: “Marka aad saddex sannadood oo isku xiga timaaddo finalka oo aad saddexdaba guul-darraysato, taasi kuuma noqonayso rikoodhka ugu fiican ee aad ku geli karayso taariikhda FA Cup.
“Laakiin waxay ila tahay in finalka FA Cup uu la mid noqon doono sidii finalkii Champions League ee sannadkii hore. Waxay ila tahay in aanu nahay kooxda xoogaa hoos loo dhigayo, laakiin aad ayaanu u fiicanahay, marka aad eego qaab-dhismeedkayaga.
“Liverpool mar walba dhibaatooyin ayay nagu qabtay. Labadii sannadood ee ugu dambeeyey ee aan halkan joogay, kulamo fiican ayaanu la ciyaarnay Liverpool. Waligayo ma aanaan guul-darraysanin ciyaar 90 daqiiqadood socotay, sidaa darteed riwaayad ayay noo noqon doontaa Liverpool maarka aanu la ciyaaarayno.
“Difaac ayay galaan sababtoo ah waa geesiyaal, sidoo kalena si adag ayay isku difaacaan, anaguna waxa aanu nahay koox ku habboon oo si fiican u ciyaarta. Riwaayad ayay noqon doontaa.”
Be the first to comment