‘Waan U Walwalsanahay’ – Paul Merson Oo Ka Walaacsan Saxeexa Cusub Ee Liverpool Ee Darwin Nunez

Khabiirka ciyaaraha ee Paul Merson ayaa daboolka ka qaaday walwal uu ka qabo saxeexa cusub ee Liverpool ee Darwin Nunez oo beddelay Sadio Mane, kaas oo uu shaki ka muujiyey in uu noqon karo ciyaartoy go’aamiya kulamada waaweyn oo goolal dhaliya, sidii Mane oo kale.

Liverpool ayaa u wareegay Bayern Munich oo ay Liverpool kaga iibisay £35.1 milyan oo Gini, kaddib markii uu isagu go’aansaday inuu tago koox kale.

Jurgen Klopp ayaa si saraaxad leh ula macaamilay Mane oo markiiba u ogolaaday inuu u yeelo waxa uu doonayo maadaama uu yahay ciyaartoy uu jecel yahay, waxaana uu beddelkiisa ka doontay Benfica oo ay £85 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Darwin Nunez.

Weeraryahanka reer Uruguay oo xilli ciyaareedkii tegay ee 2021//22 u dhaliyey Benfica 34 gool 41 ciyaarood oo uu saftay ayaa waxa Paul Merson rumaysan yahay in uu ku dhibaatoon doono sidii uu u buuxin lahaa booskii Sadiio Mane.

Isaga oo ka hadlayay telefishanka Sky Sports ayuu yidhi: “Si weyn ayaa loo tabi doonaa Mane. Waxaana i haya walwal. Uma walaacsani Liverpool sababtoo ah waxay haystaan tababare cajiib ah, laakiin waxay dadku illowsan yihiin in Mane uu ahaa ciyaartoyga kulamada waaweyn.

“Waxa uu ahaa ciyaartoy goolal dhaliya kulamada waaweyn, isbeddelna ku sameeya ciyaarta.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu intaa ku daray: “Mane ma ahayn ciyaartoy dhaliya  goolka saddexaad, afraad iyo shanaad kulanka ku dhamaanaya 5-0, laakkiin waxa uu ahaa midka dhaliya goolka kooxdiisu ku guuleysanayso ee ay hoggaanka ku qabanayso ama goolka barbarraha.”

Paul Merson waxa uu ku dooday in Nunez uu yahay ciyaartoy orod badan oo la qabsi leh sida Diaz oo kale, laakiin aanay inta badan Premier League ka dhicin in ciyaartoydu si degdeg ah u saldhigaan, sidoo kalena waxa uu ku dooday in Nunez aanu sidii Mane oo kale noqon karin ciyaartoyga kulamada waaweyn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*