Waakan Qiimaha Aanad Rumaysan Karin Ee Ousmane Dembele Lagaga Iibsan Karo Barcelona

Heshiis kordhintii uu Ousmane Dembele dhawaan u sameeyay Barcelona ayaa la sheegayaa inuu ku jiro qoddob dhigaya qiimo lama filaan ah oo suuqa xagaaga dambeba lagu iibsan karo.

Xiddiga French-ka ah ayaa waayihiisa ciyaareed ee Barca dib u nooleeyay tan iyo magacaabistii kooxdaas ee tababare Xavi Hernandez walow uu u muuqday mid hubaal bilaash ku baxaya xagaagii.

Iyadoo khilaafaadka heshiis kordhintiisu ay dheeraadeen isla markaana wakiilkiisa iyo maamulka Barcelona isku dhaceen qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore ayaa lagu waday inuu ka xidh-xidho Camp Nou.

Si kastaba, xiddigii hore ee Borussia Dortmund ayaa heshiis cusub u saxeexay Barca isagoo Xavi ku sifeeyay tusaale kaddib sida uu u bedelay qaab ciyaareedkiisii.

Dembele heshiiska uu u saxeexay Barcelona ayaan ahayn mid dheer balse waa laba sano oo uu ugu yaraan wararkii xanta ahaa oo dhan meesha kaga saaray.

Hadda sida lagu daabacay wargeyska L’Equipe ee fadhigiisu yahay France, Ousmane heshiiska uu saxeexay ayuu ku jiraa qoddob dhigaya in 43.7 Milyan pound lagu jabin karo xagaaga dambe.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in 24 sano jirkaas kooxdu u samaysay mushahar kordhin halka dhammaan xiddigaha kale ee kooxda in mudo ahba mushahar dhimis lagu waday.

Dembele ayaa waraysi uu dhawaan bixiyay ku sheegay inuu hore wakhti iskaga lumiyay haatana uu diyaar u yahay inuu wakhtiga uu haysto ka faa’idaysto.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*