“Waad Arkayseen In Casemiro Uu Sameeyey Laba Toddobaad Ka Hor, Eriksen-na Uu Mar Walba Sameeyo” – Paul Scholes Oo Dhulka La Dhacay Ciyaartoyda Manchester United

Halyeyga Manchester United ee Paul Scholes ayaa dhalleecayn u jeediyey labada xiddig ee khadka dhexe uga ciyaara kooxdiisii hore ee Scott McTominay iyo Fred oo uu u sheegay, in ay awoodi la’yihiin in ay ciyaaraan kubbad hagaagan, si la mid ah xiddigaha ku cusub kooxda ee Casemiro iyo Christian Eirksen.

Paul Scholes oo Manchester United cimrigiisa oo dhan ku qaatay, isla markaana u saftay 718 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, ayaa waxa uu weydiiyey Fred iyo McTominay sababta ay ugu ciyaari la’ yihiin sida Casemiro iyo Christian Eriksen oo kale, kuwaas oo uu tilmaamay in iyaga oo aan is-dhibin ay si fudud kubbad fiican ugu dheelayaan.

Erik ten Hag ayaa markii uu kooxda yimid xagaagii waxa uu awoodda saaray sidii uu u xallin lahaa mushkiladda khadka dhexe ee Manchester United, waxaanu isku dayay in uu keeno Frenkie de Jong hase yeeshee markii ay ku guul-darraysteen ayuu u jeedsaday dhinaca Casemiro oo uu kala soo wareegay Real Madrid.

Laacibkan shanta Champions League kusoo guuleystay ayaan wali hal kulan oo Premier League ahna ugu soo bilaabanin Manchester United, hase yeeshee Scholes ayaa la dhacsan sida uu kubadda u qaybinayo, una difaacayo markii uu dhawr ciyaarood beddel kusoo galay, iyadoo dhinaca kalena uu barbar-dhigay McTominay iyo Fred.

Paul Scholes oo u warramayay wargeyska Metro ayaa yidhi: “Ma xasuusto ciyaarta ay ahayd, laakiin waxa aan ogahay in United la garaacay oo nolosha lagu adkeeyey iyadoo Scott iyo Fred joogaan, goolashana mar walba laga dhalinayay.

“Marka ay kubadda helaana, waxay mar walba ku celinayaan difaacooda, waana sida kaliya ee ay samayn karayaan. Ciyaartoyga khadka dhexe ah waa in uu mar walba kubadda helo oo uu xidhiidhiyo difaaca iyo weerarka.

“Waxa aad aragteen in Casemiro uu sidaa sameeyey laba toddobaad ka hor, Eriksen-na uu mar walba sidaa sameeyo. Waa waxyaabaha yaryar ee aniga  iga cadhaysiiya sababtoo ah haddii aad u ciyaaraysaan Manchester United, waa in aad awoodi kartaan in aad sidaa samaysaan, waana wax la idinka filayo.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*