“Waa Waddankaygii, Hooyaday Iyo Aabahay Ayaa Ka Yimid Cameroon… Laakiin Koobka Adduunka” – Breel Embolo Oo Dareenkiisa Cabbiray

Breel Embolo ayaa iska diiday inuu u dabbaal-dego goolkii uu dhaliyey ee uu guusha ugu hoggaamiyey xulka qaranka Switzerland kulankii ay 1-0 ku garaaceen Cameroon, sababtuna waxay ahayd in uu laacibkani u dhashay dalka uu goolka ka dhaliyey ee Cameroon.

Embolo oo ay da’diisu tahay 25 jir ah waxa uu ku dhashay caasimadda waddanka Cameroon ee Yaouande ka hor intii aanay waalidiintii u guurin Switzerland oo uu ku koray, isla markaana ka bilaabay ciyaarista kubadda cagta.

Daqiiqaddii 48aad ayuu qalbi-jabiyey malaayiinta qof ee reer Cameroon oo uu gool qurux badan ka dhaliyey, waxaanu goolkaasi ahaa midka kaliya ee labada xul kala saaray ee saddexda dhibcood ay ku heleen reer Switzerland, iyadoo Breel Embolo aanu ka  qayb qaadanin dabbaal-degga oo uu muujinayay inuu murugada la qaybsanayo reer Cameroon.

Xiddigan oo u ciyaara kooxda Monaco ee ka dhisan waddanka Faransiiska ayaa ka hor intii aanay ciyaartu bilaabin saxaafadda lasii hadlay, waxaanu sheegay inay u tahay maalin khaas ah oo uu ka hor tegayo dalkiisii asalka ahaa ee ay hooyadii, aabbihii iyo waalidkiiba ka yimaaddeen.

“Waa waddankaygii, halkii ay hooyaday iyo aabbahay ka yimaaddeen, waa meesha qoyskaygu inta badan ka yimaaddeen, sidaa daraadeed waa ciyaar khaas u ah aniga iyo qoyskaygaba.” Ayuu yidhi Breel Embolo.

Isaga oo cabbirayay dareenkiisa waddaniyadeed iyo midka Koobka Adduunka ee uu ciyaarayo, waxa uu yidhi: “Laakiin waxa muhiimka ahi waa ciyaarta Koobka Adduunka. Waan ku faraxsanahay in aan halkan [Switzerland] joogo, muhiimadduna waa in aan ciyaaro Koobka aAdduunka.”

Breel Embolo ayaa la weydiiyey haddii uu taageerayo xulka qaranka Cameroon inta uu tartanku socdo, waxa uu ku jawaabay: “Haa dabcan, laakiin waxa iiga horreysa Switzerland, iyagu waa kaddib ciyaarta.”

Embolo oo ku dhashay caasimadda Cameroon ee Yoande waxa iyadoo ay da’diisu ahayd shan jir uu hooyadii u raacay waddanka Faransiiska, mar dambe ayaanay labadooda iyo xubnaha kale ee qoyskoodu ku midoobeen Switzerland, waxaanu ciyaaraha ka bilaabay kooxda FC Basel ka hor intii aanu u wareegin Schalke, Borussia Monchengladback iyo hadda oo uu Monaco u ciyaaro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*