“Waa Qalbi-Jab Weyn..” – Patrice Evra Oo Magacaabay Tababaraha Uusan Wali Ilaawin In Man United Magacaabi Wayday

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Patrice Evra ayaa shaaca ka qaaday sida uu uga niyad jabsan yahay in macalinka kooxdaas loo magacaabi waayay tababaraha Talyaaniga ah ee Antonio Conte oo haatan Tottenham layliya.

Conte ayaa la xasuustaa inuu bilawgii xilli ciyaareedkii dhammaaday in mudo ah sugayay shaqada Manchester United isaga oo doonayay inuu ka dhaxlo Ole Gunnar Solskjaer.

Maamulka Manchester ayaa doortay inay magacaabaan tababare kumeel-gaadh ah iyagoo u dhiibay Ralf Rangnick halka Conte uu ku biiray Tottenham oo uu ka caawiyay inay xilli ciyaareedka dambe Champions League usoo baxdo.

Evra ayaa haatan sheegay inuu si buuxda u taageerayo tababaraha cusub ee Erik Ten Hag balse qirtay sida uu wali uga niyad jabsan yahay fursada la lumiyay ee Conte oo uu qabo inuu wax badan ka qaban lahaa Old Trafford.

Patrice oo la hadlay wargeyska The Mirror ayaa yidhi “Qalbigayga ayay dhaawacaysaa sababtoo ah waxaan filayaa in Conte, Klopp iyo Guardiola yihiin tababarayaasha ugu fiican dunida haatan anaguna waxaanu ku haysan karaynay Manchester United”.

“Balse dadka qaar kooxda jooga ayaa yidhi ‘Maaha mid qaabkeena u ciyaara, maaha waxa aanu raadinayno’. Sidaas darteed haatan aynu aragno waxaynu haysanaa Ten Hag, aynu aragno waxa uu samaynayo, waxa uu haystaa taageeradayda”.

“Waad arki kartaa Tottenham, wuxuu ka caawiyay inay Champions League usoo baxaan. Taasi waa sababta ay ii dhaawacayso, maaha sababtoo ah inay tahay Tottenham, waan jeclahay koox kasta balse waa sababtoo ah in Conte uu (Manchester) wax ka qaban karayay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*