Waa Maxay Sababta Uu Scott McTominay Uga Maqnaaday Kulanka Atletico Madrid?

Scott McTominay ayaa laga dhex waayey liiska ciyaartoyda Manchester United ee kulanka Atletico Madrid, saacado kaddib markii uu tababare Diego Simeone ku tilmaamay mid ka mid ah ciyaartoyda ugu wanaagsan waqtigan.

Tababare Ralf Rangnick ayaa saxaafadda u sheegay sabbata uu uga yimid Scott McTominay ee aanu ugu soo darin shaxdiisa koowaad iyo kaydka midnaba,  waxaana uu sheegay inuu xanuunsanayo oo aanu awoodi karayn inuu ciyaaro.

Laacibka heerka caalami ee reer Scotland ayaa waxa khadka dhexe ka  beddelay Fred oo ahaa xiddigii goolka quruxda badan dhaliyey ciyaartii ay kooxdiisu Yorkshire joogtay ee ay Leeds United 4-2 ku karbaasheen.

Ralf Rangnick oo oo warbaahinta la hadlayay ayaa yidhi: “Nasiib-darro wuu xanuunsanayaa McTominay. Waxa aan la hadlay galabta, walina ma dareemayo inuu fiican yahay.

“Waxa aanu qabnay rajo yar oo ah inuu taam noqon karayo, balse waxa aanu xulanay shaxda ugu fiican ee suurtogalka ah ee uu ka maqan yahay Scott.”

Paul Pogba, Fred iyo Bruno Fernandes ayaa khadka dhexe uu ku aaminay Ralf Rangnick, halka weerarkana uu wada dhigay Cristiano Ronaldo, Marcus Rashford iyo Jadon Sancho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*