Waa Maxay Sababta David Beckham Uu Lacagta Badan Uga Helay Ku Biiristii Gareth Bale Ee LAFC?

Gareth Bale ayaa ka mid noqday liiska ciyaartoyda waaweyn ee u wareegay horyaalka waddanka Maraykanka ee MLS, kaddib markii uu ka tegay Real Madrid oo uu muddo sagaal sannadood ah u ciyaaray, taas oo uu kula guuleystay koobab badan.

 

Xiddiga reer Wales ayaa heshiis u saxeexay kooxda Los Angeles FC ee ka dhisan Maraykanka oo waxyar ka hor intii aanu ka mid noqon ku dhawaaqday heshiis ay la gaadhay difaaca Talyaaniga ee Giorgio Chiellini oo isagana ay si xor ah kaga soo qaateen Juventus.

 

Mulkiilaha kooxda Inter Miami ee David Beckham, ayaa lacag magdhow ah oo gaadhaysa $75,000 dollar la siinayaa iyada oo la raacayo sharciga uu horyaalkaasi soo rogay ee loo yaqaano Discovery List.

 

Devic Beckham ayaa la sheegay, in uu ahaa shaqsigii markii hore ku qanciyey Gareth Bale inuu yimaaddo horyaalka Maraykanka, isaga oo doonayay inuu geeyo kooxdiisa Inter Miami laakiin ay kaga awood roonaatay Los Angeles FC.

 

Imisa ayuu noqon doonaa mushaharka Gareth  Bale ee LAFC?

 

Gareth Bale waxa uu ka mid ahaa ciyaartoyda ugu mushaharka badan dunida, kaalinta koowaadna waxa uu kaga jiray Real Madrid oo uu ka qaadan jiray $20.3 milyan oo dollar.

Los Angeles FC ayaa waxay sannadkan 2022 mushahar ahaan u siin doontaa Gareth Bale lacag gaadhaysa $1.6 milyan oo dollar, mana aha mushahar loo qaabeeyey usbuucyo sababtoo ah waxa uu ugu soo wareegayaa qaab hor ah, waana lacag duuduub ahaan loogula heshiiyey muddo sannad ah.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*