Liverpool ayaa sii ahaanaysa koox ciyaartooyo lala xidhiidhinayo illaa daqiiqadda ugu dambaysa maadaama ay ku jirto dhibaato xooggan oo iyada oo fadhida kaalinta sagaalaad ee miiska kala-sarraynta aanay haddana wax ciyartooyo ah isku xoojin, marka laga reebo Cody Gakpo oo horraantii bishan February yimid Anfield.
Reds oo ay dhaawacyo kaga maqan yihiin dersin ciyaartooyo ah, sida Virgil van Dijk, Diogo Jota, Roberto Firmino iyo Luis Diaz, ayaa waxa haddana maanta la xaqiijiyey inuu liiska dhaawacyada ku biiray difaaca reer France ee Ibrahima Konate, taas oo keenaysa inay kooxdaasi kusii jirto hadal-haynta suuqa.
Jurgen Klopp ayaa hore u sheegay in aanay qorshaha kooxdiisa ku jirin in ay samayso saxeexyo kale, kddib markii ay £40 milyan oo Gini kula soo wareegeen Gakpo, hase yeeshee waxa jira warar waqti dambe soo baxay oo sheegaya, in Liverpool ay doonayso khadka dhexe ee Chelsea ee N’Golo Kante.
Tan iyo markii uu furmay suuqa iibka ciyaartoyda, Liverpool waxa lala xidhiidhinayay ciyaartooyo waaweyn oo u badan khadka dhexe oo ah booska ay ugu dhibaatada badan yihiin, laakiin illaa hadda wax ciyaartooyo ah kuma aanay soo kordhinin booskaas.
Kylian Mbappe oo weerarka uga ciyaara SPG iyo khadka dhexe ee Borussia Dortmund ee Jude Bellingham ayaa ku jiray siddeed ciyaartoy oo lala xidhiidhinayay Liverpool intii uu furnaa suuqa balse aanay midkoodna ku guuleysanin inay la saxeexdaan.
Halkan kaga bogo siddeedda ciyaartoy ee lala xidhiidhinayay suuqa January
Jude Bellingham
Ruben Neves
Sofyan Amrabat
Declan Rice
Wilfried Zaha
Enzo Fernandez
Kylian Mbappe
Moises Caicedo
Aad iyo aad ayaan uga helay account kaan mahad sanidiin