Waa Kuwan BILYANEERADA Carbeed Ee Iibka Man United Durba Lala Xidhiidhinayaa

Manchester United ayaa xalay si rasmi ah u shaacisay in ragga 17-kii sano ee ugu dambeeyay mulkiyadeeda lahaa ee Glazer Family ay raadinayaan qorshe ay kooxda ku iibinayaan.

17kaas sano ayaa ahaa kuwo ay jamaahiirta Man United cabasho badan ka muujiyeen qoykaas oo ay u arkayeen kuwo kooxda kaliya faa’ido maaliyadeed ka raadiya.

Louis Van Gaal, Jose Mourinho, Cristiano Ronaldo oo u dambeeyay iyo shaqsiyaad badan oo Manchester gudaheeda kasoo shaqeeyay ayaa si cad uga hadlay qaabka aan koox kubaddeed ahayn ee ay Glazer uga shaqeeyaan Red Devils.

Si kastaba, sida uu haatan sheegayo wargeyska Arabian News, Man United ayay iibkeeda isha ku hayaan Bilyaneero Dubai kasoo jeeda kuwaas oo diyaarinaya dalab 10.6 Bilyan Dollar ah sida warbixinta lagu sheegay.

Sida uu sheegay Kieran Maguire oo arrimaha dhaqaalaha ka faalooda, 17% ayuu kordhay qiimaha suuqa Man United isla xalay markii uu soo baxay warka sheegaya inay qoyska Glazer iibinayaan.

Glazer ayaa lacag badan ku doonaya Manchester maadaama oo ay ka warqabaan awooda dhaqaale ee kooxdaas iyo malaayiinta ay sida maalinlaha ah usoo saarto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*