Waa Kuma Xiddiga Koobka Aduunka Ka Maqan Ee Haddii Dalkiisu Ku Guuleysto Bilada Guusha Heli Doona?

Tartanka koobka aduunka ayaa tan iyo 20kii bishan si habsami leh uga socda dalka Qatar iyadoo haatan lagu jiro wareegii labaad ee heerka Group-yada.

Ilaa haatan laba xul oo xaqiiqsaday inay hubaal hadheen ayaa ah Qatar iyo Canada halka laba xul oo xaqiiqsaday inay hubaal u gudbeen wareega 16-ku ay yihiin France iyo Morocco.

France oo ah xulka difaacanaya tartanka ayaa laba kulan oo uu ciyaaray guulo kasoo gaadhay Australia iyo Denmark.

Haddaba, weeraryahankii xulkaas ee Karim Benzema oo isagu dhaawac ku seegaya koobka aduunka ayaa hanan heli doona haddii Les Bleus markii labaad difaacdaan koobka.

Sida ay FIFA xaqiijisay, sababta uu Karim ku heli doono abaalmarinta guuleystaha ayaa ah maadaama oo uu wali ku xusan yahay xulka France oo uu liiskooda ku jiro.

Tababare Didier Deschamps ayaa kaddib markii la xaqiijiyay in Benzema dhaawac ku maqnaanayo diiday inuu wax bedel ah uga waco xulka taas oo ka dhigan in wali 34 sano jirka Real Madrid u diiwaan gashan yahay.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*