Waa Kuma Xiddiga Ka Wanaagsanaa Kylian Mbappe Ee Ay Chelsea La Saxeexanayso?

Chelsea ayaa dedaal badan ku bixinaysa sidii ay ula soo wareegi lahayd Raheem Sterling oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskiisa Manchester City, isla markaana doonaya inuu iskaga tago Etihad Stadium, laakiin kalidii ma  saarna diiradda Blues.

Tababare Thomas Tuchel oo kooxdiisa ay si xor ah uga tageen labada difaac ee Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen ayaa sidoo kale u dhow in ay lumiso Romelu Lukaku oo ay amaah ku dirto, waxaana beddelkiisa ay doonayaan in ay lasoo wareegaan ugu yaraan laba ciyaartoy oo weerarka ah.

Mid ka  mid ahi waa Raheem Sterling, halka laacibka kale ee ay doonayaana uu yahay ciyaartoy ka wanaagsanaa xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ay hadda ku sugayaan Stamford Bridge, kaas oo waliba qaabka ay u helayaan uu yahay mid fudud.

Tuchel ayaa laga doonayaa in uu si shaqsi ah uga shaqeeyo sidii ay kooxdiisu ku heli lahayd xiddiga lagu tilmaamay inuu ka wanaagsanaa Mbappe, sababtuna waa in uu la leeyahay xidhiidh shaqsi ah oo wanaagsan, taas oo sahli karaysa inuu xiddigaasi yimaaddo horyaalka Premier League oo uu xidho shaadhka Chelsea.

Xiddigan lagu tilmaamay inuu ka wanaagsanaa Mbappe ayaa ah garabka weerarka Barcelona ee Ousmane Dembele oo waqtigii uu soo baxay ee ay kubaddiisu hana-qaadday aad uga fiicnaa sidii uu Mbappe kusoo baxay, waa sida uu qoray wargeyska Daily Express e.

Barcelona ayaa rajaynaysa in uu laacibkan xulka Faransiiska kula guuleystay Koobkii Adduunka 2018 uu heshiis cusub u saxeexi doono maadaama wixii ay ka filayeen aanay ka helin markii ay dhaawacyo kula bilowdeen waayihiisa Camp Nou oo sannadkii 2017 ay lacag ka badan 110 milyan oo Euro kaga soo iibsadeen Borussia Dortmund.

25 jirkan ayaa goysmadiisa iyo sida kubaddiisu ay horumar badan u samaynayso kusoo jiitay Barcelona oo markii uu ka tegay Neymar qasnaddeeda u jabisay.

Madaxweynaha Barcelona ayaa bishii January warbaahinta u sheegay, in Ousmane Dembele uu ka wanaagsan yahay Kylian Mbappe, waxaanu yidhi: “Xidhiidh wanaagsan ayaanuy la neenahay Dembele, waxaanu doonayaa in uu sii joogo.

“Anaguna waanu doonaynaa isaga sababtoo ah waa ciyaartoy aad u wanaagsan. Xaaladahan oo kale waxay u baahan yihiin wada-xaajoodyo lala leesho wakiilladiisa oo waxa ugu wanaagsan u doonaya ciyaartoyga. Niyad-samaan ayaan ku hayaa Dembele sababtoo ah isaga ayaa ka wanaagsan Mbappe.”

Si kastaba, Chelsea ayaa doonaysa inay si xor ah kula soo wareegto Dembele oo aan illaa hadda ogolaanin in uu Barcelona heshiiska u kordhiyo iyadoo qandaraaskiisa Camp Nou-na ku egyahay dhamaadka bishan June.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*