Waa Kuma ‘Luka Modric-ka Cusub’ Ee Arsenal Qasnadeeda U Jabinayso?

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaqaalaheeda suuqa u dirtay in ay soo daawato xiddiga lagu naanayso ‘Luka Modric-ka cusub’ oo ay doonayso in ay u jabiso qasnaddeeda oo ay £44 milyan oo Gini dul-dhigto xagaagan, waxaana uu Mikel Arteta isku dayayaa in uu naadigiisa kusoo kordhiyo xiddigan.

Markii labaad ayay Arsenal u dirtay shaqaalahaeeda qaabbilsan suuqa iyo qiimaynta ciyaartoyda, in ay soo daawato Luka Modric-ka cusub, waxaana warbixinta ay ka keenaan ku go’aan qaadan doona Edu iyo Arteta.

Khamiistii ayay Arsenal qaadday tallaabadeeda koowaad ee qiimaynta kulankii xulka qaranka Croatia uu 2-1 ku garaacay Denmark, waxaanay si gaar ah u daawanayeen laacibka khadka dhexe ee Lovro Majer oo ah kubbad-sameeye goolkiisii u horreeyey ee caalami ah dhaliyey November 2021.

24 jirkan oo sannadkii 1998kii dhashay, ayaa waxa uu kusoo barbaaray kooxda Kokomotiva Zagreb ee ka dhisan magaalada uu ku dhashay, waxaana sannadkii 2016 uu ka caawiyey in ay usoo gudbaan Europa League, waxaana uu kursiga kaydka fadhiyey ciyaartii Genk oo ay kusoo bilowdeen xiddigaha Premier  League ee Wilfred Ndidid, Leon Bailey iyo Leandro Trossard.

Majer oo xulka qaranka Croatia khadka dhexe kula soo bilowday Luka Modric oo lagu tilmaamo inay isku qaab ciyaareed yihiin, ayaa waxay Arsenal ula diyaar tahay in ay ku iibsato £44 milyan oo Gini marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga dambe.

Koobka Adduunka ee bisha November lagu qabanayo waddanka Qatar ayaa uu Lovro Majer u raaci doonaa xulka qarankiisa Croatia, waxaana la filayaa in kooxo badan oo kale oo reer Yurub ah ay Arsenal kula soo biiri doonaan tartanka laacibka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*