Waa Kan Xiddiga Manchester City Ee Diyaarka U Ah Inuu Barcelona U Koox Bedesho Xagaaga

Iyadoo suuqii xagaagu uu soo dhaw yahay isla markaana haatanba heshiisyada lasii dhammaynayo ayay sii laba jibaarmeen wararka xanta ah ee dhinaca suuqa kala iibsigu.

Barcelona ayaa bilaabanaysa suuq xagaa oo aad muhiim ugu ah iyaga oo doonaya inay soo dhisaan koox la tartanta kooxda uu xifaaltanka ba’ani kala dhaxeeyo ee Real Madrid oo horyaalka La Liga iyo Champions League labadaba soo qaaday.

Walow uu tababare Xavi Hernandez yahay mid dookhyo badan u haysta khadka dhexe haddana xiddiga doorkaas uga ciyaara Manchester City ee Bernardo Silva ayaa dookh kale oo lala xidhiidhinayo ah.

Silva ayaa ilaa xagaagii hore lala xidhiidhinayay inuu Barcelona u wareego balse taas ayaan dhicin isaga oo ku baaqday Man City oo uu Premier League kale la qaaday.

Haatan sida uu sheegayo saxafiga aadka uga ag dhaw Barca ee Gerard Moreno, Silva ayaa u furan inuu ka hayaamo Etihad Stadium xagaagan isaga oo u furan fursada uu Camp Nou ugu wareegayo.

27 sano jirkaas oo xilli ciyaareedkan 20 gool uga qayb qaatay City ayaa heshiiskiisa kooxdaasi yahay mid ku eeg ilaa 2025 taas ayaana ka dhigan inay lacag badan ku bixin doonto koox kasta oo saxeexiisa doonaysaa.

Taas ayaa la micno ah in heshiis uu Silva xagaagan ugu biiro Barca inuu ku xidhnaan doono xaalada xiddigaha khadka dhexe ee kooxdaas. Frankie De Jong ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa inay iibinayso kooxdaasi si ay lacago uga samayso.

Haddii ay Barca iibiso De Jong ayay ka caawin doontaa inay la saxeexan karaan Silva sidoo kalena ay banayn karaan qaybo kamida mushaharaadka ay bixiyaan oo ay haatan xadkii dhaafeen markale.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*