“Waa Inaad Saddexdaba Samayso…” Martin Odegaard Oo Tilmaamay SADDEX Arrimood Oo Laga Doonayo Xiddig Ka Tirsan Arsenal

Kabtanka kooxda kubadda cagta Arsenal ee Martin Odegaard ayaa u sheegay xiddiga ku cusub kooxdiisa ee Jakub Kiwior in uu sameeyo saddex arrimood si uu boos joogto ah uga heli karo Emirates Stadium.

Kiwior oo ay Arsenal kasoo iibsatay Spezia bishii January ayaa awoodi waayey inuu kala dhantaalo Gabriel Magalhaes iyo William Saliba, laakiin waxa uu qorshuhu yahay inuu difaaca dhexe ee dhinaca bidix ah kula tartamo Gabriel Magalhaes.

Laacibkan ayaa xalay kusoo bilowday kayka kulankii ay Arsenal kaga hadhay tartanka Europa League ee ay rikoodheyaasha ku garaacday Sporting Lisbon, laakiin waxa uu kusoo bilowday lugtii hore ee waddanka Portugal ay barbarraha 2-2 ah kusoo wada galeen.

Martin Odegaard oo la hadlayay Kiwior ayaa u sheegay, in si uu u noqdo ciyaartoy si joogto ah ugu soo bilowda, in ay tahay inuu sameeyo saddex arrimood, waxaanu yidhi: “Lugtii hore waxa uu Jakub Kiwiior sameeyey bandhig naga farxiyey. Waxay ahyd ciyaar u wanaagsan isaga iyo annagaba daqiiqadihii ugu horreeyey, sababtoo ah waxa aanu si fiican ugu baranay tababarka tan iyo markii uu nagu soo biiray.

“Markaa si uu boos joogto ah u helo, wa in uu kulamada waaweyn sidaas oo kale u ciyaaro, fursadaha uga faa’iidaysto iyo tayadiisa oo uu soo bandhigo. Anigu waxa aan hubaa inuu maalinba maalinta ka dambaysa sii fiicnaan doono, khaasatan marka uu fahmo waxa aanu samaynaayno, in uu dhiso xidhiidho saaxiibtinimo oo garoonka dhaxdiisa iyo ciyaartoyda ah iyo inuu horumariyo luuqaddiisa.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*