Waa Immisa Lacagta Ay UEFA Siinayso Arsenal Kaddib Markii Ay Ka Hadhay Europa League?

Arsenal ayaa xalay rikoodheyaal kaga hadhay tartanka Europa League, waxaana sahayatay Sporting Lisbon oo labadii kulanba ay barbarro ku dhamaysteen ka hor intii aanay isla gaadhin rikoodheyaal kulankoodii Emirates Stadium oo ay kooxda reer Portugal kusoo baxday.

Mikel Arteta ayaa kooxdiisa lagaga badiyey 5-3 rikoodheyaal ah, iyadoo labadii ciyaarood ee labada garoon ay waqtigoodii caadiga ahaa kusoo dhamaadeen natiijo 3-3 ah marka la isku-geeyo goolashii ay iska dhaliyeen labada kooxood labadii lugood.

Gunners ayaa waxay hadda ku ekaanaysaa horyaalka Premier League ee ay shanta dhibcood ku hoggaaminayso iyadoo kasoo hadhay dhamaan tartamadii kale, waxaanay nafta u huri doonaan sidii ay horyaalka ugu guuleysan lahaayeen kaddib 19 sannadood oo ay ka qatanaayeen.

Inkasta oo ay wareegga 16ka kaga hadheen tartanka Europa League, haddana Arsenal ayaa sugayso in ay UEFA usoo shubto lacago malaayiin Gini ah oo ay ku helayaan kasoo qayb-galkii tartanka, kulamadii ay badiyeen iyo marxaladihii is-xigay ee ay usoo baxeen.

Sida ay warbaahinta Ingiriisku sheegtay, kooxda reer London ee Arsenal ayaa la siin doonaa lacag gaadhaysa £4.4 milyan oo Gini oo ay UEFA ugu shubi doonto akownkeeda bangiga. Lacagtan ayaa u qaybsan dhawr marxaladood oo ay Arsenal soo martay.

In ay wareeggii 16ka usoo gudbeen, Arsenal ayaa lagu siinayaa £1.1 milyan oo Gini, halka in ay wareeggii koowaad ee group-yada kasoo baxeen iyo kasoo qayb-galka tartankana ay ku helayaan £3.3 milyan oo Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*