Maamulka horyaalka La Liga ayaa gaadhay go’aan lama filaan ku noqday taageerayaasha kooxaha horyaalkaas oo ay ku dhaliileen.
La Liga ayaa lagu sifayn karaa mid xiisihiisii lumiyay sanadihii ugu dambeeyay gaar ahaan kaddib bixitaankii xiddigihii wajiga u ahaa horyaalkaas ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo Real Madrid iyo Barcelona wakhti dahabi ah kusoo qaatay.
Sidoo kale horyaalka ayaa maalmahan ugu dambeeyay ku fadeexadaysan qaabka ay ula dhaqmeen ee aysan waxba uga qaban cunsuriyad si joogto ah loola bartilmaameedsanayay da’yarka Real Madrid ee Vinicius Jr.
Toddobaadkan xurgufta ugu weyn ee Spain ka taagan ayaa ahayd cunsuriyadii uu Vini kala soo kulmay taageerayaasha Valencia si lamid ah sidii ay ku sameeyeen taageerayaal badan oo horyaalka Spain ahi.
Arrinta haatan muranka cusub dhalisay ayaa ah in maamulka horyaalku gaadheen go’aanka ah inaan xilli ciyaareedka dambe horyaalka lagu adeegsan aalada garsoore caawiya ah ee “Goal Line Technology”.
Wargeyska El Larguero ayaa sheegaya in maamulka La Liga go’aansadeen inaysan bixin 3-da Milyan ee euro ee xilli ciyaareedka kaga baxaysa Aalada sheegta kubaddu haddii ay xariijinta goolka dhaafto.
Taageerayaasha La Liga oo barta Twitter-ka kaga falceliyay xogtan ayaa horyaalka ku sifeeya “Mid baaba’ay” iyo “Mid kaftan ah”.
waa war aan u wanaagdsaneyn
naadiyada qaar aan ogahay