Virgil van Dijk Oo Ka Falceliyey Niyad-jabkii Mohamed Salah, Digniina U Diray Sadio Mane

Difaaca kooxda kubadda cagta Liverpool ee Virgil van Dijk  ayaa ka hadlay ciyaartii kala-saartay Sadio Mane iyo Mohamed Salah ee midkoodna ugu safrayo Koobka Adduunka midka kalena noqon doono daawade gurigiisa  jooga marka la gaadho bisha November ee dhamaadka sannadkan.

Salah ayaa awoodi waayay inuu dalkiisa usoo saaro Koobka Adduunka 2022, waxaanu khasaariyey rikoodhe halka Sadio Mane uu xulkiisa u saxeexay rikoodhaha guusha u go’aamiyey.

Virgil van Dijk oo wax laga weydiiyey saaxiibbadiisa Liverpool iyo ciyaartoodii xalay ayaa waxa uu ku dooday, in Mohamed Salah uu guul-darrada xulkiisa ka qaadi doono dhiirranaan iyo dardar, isla markaana Liverpool koobab badan kula guuleysan doono.

Waxa kale oo uu digniin u diray Sadio Mane oo uu uga digay in dalkiisu uu ka hor yimaaddo xulka qaranka Netherlands wareegga group-yada Koobka Adduunka.

Virgil van Dijk ayaa yidhi: “Waan ka xumahay guul-darrada Mohamed Salah iyo Masar, laakiin kubadda cagta ayaa mararka qaarkood sidaas ah. Waxa aan hubaa in uu niyad-jabka u beddeli doono guul inta ka hadhay xilli ciyaareedka ah. Wali waxa aanu u tartamaynaa wax kasta, sidaa darteed Liverpool ayuu waxyaabo badan kula guuleysan karayaa.

“Sadio-na waxa aan u rajaynayaa wanaag oo dhan, laakiin haddii aanu isku group noqono, waxa uu u baahan doonaa nasiib wanaagsan.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*