UGU DAMBAYN: Sababta Dhabta Ah Ee Isku Dhaca Shakira Iyo Pique Oo Faah-Faahin Buuxda Laga Bixiyay

Shaqsi aad ugu dhaw daafaca Barcelona ee Gerard Pique iyo fanaanada ree Colombia ee Shakira ayaa haatan xog cusub saxaafada Spain ka siiyay wixii sababay isku dhacii sababay kala taga lamaanahaas.

Xogo badan iyo warar kala duwan ayaa laga qorayaa arrimaha Pique iyo Shakira oo ahaa kuwo baraha bulshada haystay dhawaanahan balse haatan Roberto Garcia oo hore xidhiidh jacayl ugala dhaxeeyay gabadh ay walaalo yihiin Shakira ayaa ku doodaya inuu runta ogyahay.

Roberto ayaa u sheegay wargeyska EsDiario in dhibka ka dhex dhaacay Pique iyo Shakira uu yahay mid ugu horreyn ka bilaabmay arrimo dhaqaale.

Shaqsigan ayaa sheegaya in Pique hooyada labadiisa carruurta ah uu weydiistay lacag uu ganacsi cusub ku bilaabo balse ay u diiday kaddib wada-tashi ay la samaysay qoyskeeda.

“Sida uu ii sheegay qof iyaga aad ugu dhaw, waxa jiray dhib dhaqaale oo labadooda u dhaxeeyay. Pique ayaa Shakira weydiistay lacag sababo la xidhiidha maalgelin uu samaynayo kaddib qoyska fanaanada ayaa diiday inay isaga siiyaan, lacagahooda iskuma qasaan” ayuu yidhi Roberto.

Sidoo kale Roberto ayaa sii xoojiyay hadalkii dhawaan kasoo yeedhay Pique ee ahaa in Shakira aysan doonayn inay marnaba rasmi isku guursadaan daafaca Barcelona.

Wargeyska Marca ayaa sheegaya inay maxkamad isla tagi karaan lamaanahaasi iyagoo isku haysta carruurtooda oo ay Shakira doonayso inay ula guurto Maraykanka oo ay ku laaban karto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*