UGU DAMBAYN: Lionel Messi Oo Xaqiiqada Ka Sheegay Dhibaatadii Uu Kala Kulmay PSG & Marxaladda Uu Hadda Ku Sugan Yahay

Lionel Messi ayaa xalay guul weyn oo 3-0 ah ku hoggaamiyey xulka qarankiisa Argentina oo uu u dhaliyey laba gool oo midkood uu aad u qurux badnaa oo uu ka dul-qaaday goolhayaha, kulan saaxiibtinimo oo waddanka Maraykanka ay ku karbaasheen Honduras.

Bandhig heersare ah oo ay la socdaan laba gool ayuu Lionel Messi muujiyey, waxaana ciyaarta kaddib uu la hadlay warbaahinta isaga oo soo qaaday sidii ay ahayd xaaladdiisu xilli ciyaareedkii hore ee uu ku dhibaatoonayay Paris Saint-Germain iyo hadda oo uu u muuqdo in uu dib u helay qaab ciyaareedkiisa.

Messi waxa uu qirtay, in xilli ciyaareedkii tegay uu u ahaa mid adag oo uu dhibaatooyin badan lasoo kulmay, laakiin hadda hadda ku naaloonayo jawi ka duwan, waxaanu yidhi: “Waxa aan dareemayaa fiicnaan iyo in aan ka duwanahay sannadkii hore.

“Waan garanayay in ay sidaas noqon doonto, horena waan u sheegay in aan waqti adag soo maray, marnaba isma aanan helin [ciyaartiisii ayaanu marnaba helin].

“Laakiin sannadkan, waxa aan la imid maskax ka duwan, waxa aan dareemayaa in aan aad ugu raaxaysanayo kooxda, qolka labbiska, ciyaartoyda dhexdooda iyo ciyaarahaba.

“Runtu waxay tahay in aan dareemayo in aan fiicanahay oo aan kusoo laabtay in aan ku raaxayso kubadda.”

Waxa kale oo uu Lionel Messi ka hadlay koobka Adduunka ee laba bilood kaddib uu xulkiisa Argentina ugu safri doono waddanka Qatar, waxaanu yidhi: “Sida dadka kale ayaanu u walaacsanahay, laakiin haddana waanu deggenahay.

“Waxa aanu haysanaa xul wanaagsan Koobka Adduunka. Waa tartan khaas ah, waxaananu doonaynaa in aanu hore ugu socono tallaabo-tallaabo. Waxa aanu ku naaloonaynaa wada-jirkayaga, mar walbana si adag ayaanu iskugu diyaarinaynaa.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*