“Tukaanka Ayuu Ii Diray, Wuu I Maydhay” – Goolhaye Ramsdale Oo Sheegay Weeraryahanka Nafta U Keenay Inta Ugu Badan

Goolhayaha kooxda Arsenal ee Aaron Ramsdale ayaa magacaabay dhawr ciyaaryahan oo kasoo yaabsaday waayihiisa ciyaareed ee kooban isaga oo mid si gaar u carrabka ugu adkeeyay.

Xiddiga uu Ramsdale muujiyay sida uu nafta ugu keenay ayaa ah weeraryahanka kooxda Liverpool ee Diogo Jota oo kooxdaas xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyay shabaqeeda saaxiib dhaw kasoo dhigtay.

Gunners iyo Reds ayaa xilli ciyaareedkan afar jeer kulmay, ciyaarahaas ayaa kala ahaa laba Premier League ah iyo laba Carabao Cup ah iyadoo Liverpool ay saddex kamida guulo gaadhay.

Arsenal ayaan wax goolal ah soo dhalin kulamadaas halka Liverpool ay siddeed gool soo dhalisay iyadoo kala badh goolashaas uu magaciis ku qoray Diogo Jota.

Ramsdale ayaa dhammaan afartaas kulan goolka ugu soo bilawday Arsenal isaga oo kaliya hal ciyaar oo kamida shabaqiisa ka ilaashaday xiddiga Portuguese-ka ah.

Goolhayihii hore ee Bournemouth iyo Sheffield United oo haatan u warramay Sky Sports ayaa ku kaftamay in Jota uu dukaamo u diray oo uu gabi ahaanba maydhay.

“Miyuu aniga marnab i maydhay ciyaaryahan heer caalami ah oo iga hor yimid? Sideen u qiimeeyaa anigu? Ronaldo, Aguero, Vardy, Jota – Ala isagu waxa uu ii diray dukaamada, miyuuna ii dirin? wuu i maydhay”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*