Tottenham Oo Laba Saxeex Oo Kale Qarka U Saaran, Midka Barcelona Ka Imanaya & Is-hubaynta Conte Oo Sii Socota

Tottenham oo horeba saddex saxeex uga dhammaysatay suuqa xagaagan ayaa u muuqata mid markale laba saxeex kusoo daraysa safkeeda iyadoo maalmaha soo socda dhammayn karta heshiisyadaas.

Spurs ayaa ilaa haatan la saxeexday goolhaye Forster, garabka weerar ee Ivan Perisic iyo khadka dhexe ee Yves Bissouma oo kaga soo kala biiray Southampton, Inter Milan iyo Brighton.

Haatan Tottenham ayaa ku dhaw heshiisyada daafaca dhexe ee Barcelona ee Clement Lenglet iyo weeraryahanka Everton ee Richarlison oo isagu saddexda boos ee weerarkaba ka ciyaari kara.

Everton ayaa 50 Milyan oo pound ugu yaraan ku doonaysa iibka Richarlison iyadoo ay xusid mudantahay in haddii ay 40 Milyan ka badan ku iibiso kooxdiisii hore ee Watford ay 10% leedahay lacagta.

Labada kooxood ayaa wadahadalo qoto dheer ku jiray maalmihii ugu dambeeyay, Spurs ayaa laga diiday heshiisyo ciyaaryahano iyo lacag ah oo ay doonaysay inay mid ahaan Harry Winks amaba Steven Bergwijn ugu dirto dhinaca Goodison Park.

Dhinaca kale Tottenham ayaa qaab amaah ah Barcelona kaga soo qaadanaysa Lenglet kaddib markii ay AS Roma sababta mushaharkiisa oo badan uga baxday tartankiisa.

Kooxda waqooyiga London ayaan diyaar u ahayn inay wax lacag ah ku bixiso saxeexiisa haatan balse bixinaysa in badan oo mushaharkiisa kamid ah.

Juventus ayaa sidoo kale amaah ku doonaysa Lenglet balse waxay u muuqdaan kuwo soo daahay, daafaca French-ka ah ayaa lagu wadaa inuu doorka bidix ee saddexda daafac dhexe ee shaxda Conte la wareego.

Kaddib labadaas saxeex, bartilmaameedka xiga ee Tottenham ayaa ah daafac midig waxaana ay xiiso u muujinayaan Djed Spence oo ka tirsan Middlesbrough kaddib xilli ciyaareed uu amaah kula joogay Nottingham Forrest.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*