TOP 30: SODDONKA Ciyaartoy Ee Ugu Mushaharka Badan Kubadda Cagta Oo Lasoo Saaray

Saddexda ciyaartoy ee ugu mushaharka badan adduunyada, waxay u ciyaaraan Paris Saint-Germain, waxaanay cidina aanay hawaysan karaynin Kylian Mbappe oo toddobaadkii u xaadira £1.5 milyan oo Gini, taas oo ka dhigaysa inuu toban-jibbaar ka mushahar badan yahay xiddigo waaweyn oo caan ka ah dunida.

Lionel Messi ayaa kaalinta labaad kaga jira liiska 30ka  ciyaartoy ee kubadda cagta ugu mushaharka badan, waxaanu usbuucii qaataa in ka badan £1 milyan oo Gini, halka Neymar oo saddexaad ku jiraana uu waxyar ka hooseeyo Lionel Messi.

Saddexdoodan marka la isku geeyo, waxa uu mushaharkoodu gaadhayaa £3.5 milyan oo Gini, waxaana kaalinta afraad soo galay Cristiano Ronaldo halka shanaad iyo lixaadna ay ku kala jiraan Eden Hazard iyo Frenkie de Jong.

Arrinta cajiibka ah ayaa waxay tahay, in Lionel Messi uu laba-jibbaar ka mushahar badan yahay Cristiano Ronaldo, halka uu Kylian Mbappe saddex jeer ka mushahar badan yahay xiddiga reer Portugal.

Sergio Ramos ayaa uu mushaharkiisu aad uga badan yahay intii la filayay iyo sidoo kale mushaharkiisii Real Madrid, waxaanu ka sarreeyaa Kevin de Bruyne iyo Karim Benzema oo siddeedaad iyo sagaalaad ku jira.

Halkan kaga bogo liiska 30ka ciyaartoy ee ugu mushaharka badan kubadda cagta

30. Serge Gnabry (Bayern Munich) | £306,837-toddobaadkii

29. Niklas Sule (Borussia Dortmund) | £306,837-toddobaadkii

28. Joshua Kimmich (Bayern Munich) | £317,081-toddobaadkii

27. Luka Modric (Real Madrid) | £320,171-toddobaadkii

26. Raheem Sterling (Chelsea) | £325,000-toddobaadkii

25. Leroy Sane (Bayern Munich) | £325,211-toddobaadkii

24. Thomas Muller (Bayern Munich) | £333,342-toddobaadkii

23. Vinicius Junior (Real Madrid) | £338,708-toddobaadkii

22. Jordi Alba (Barcelona) | £338,708-toddobaadkii

21. Jan Oblak (Atletico Madrid) | £338,708-toddobaadkii

20. Antoine Griezmann (Atletico Madrid) | £338,708-toddobaadkii

19. Raphael Varane (Manchester United) | £340,000-toddobaadkii

18. Manuel Neuer (Bayern Munich) | £341,472-toddobaadkii

17. Mohamed Salah (Liverpool) | £350,000-toddobaadkii

16. Jadon Sancho (Manchester United) | £350,000-toddobaadkii

15. Toni Kroos (Real Madrid) | £356,757-toddobaadkii

14. Sergio Busquets (Barcelona) | £357,733-toddobaadkii

13. Sadio Mane (Bayern Munich) | £357,733-toddobaadkii

12. David Alaba (Real Madrid) | £365,863-toddobaadkii

11. Erling Haaland (Manchester City) | £375,000-toddobaadkii

10. David De Gea (Manchester United) | £375,000-toddobaadkii

9. Karim Benzema (Real Madrid) | £390,254-toddobaadkii

8. Kevin De Bruyne (Manchester City) | £400,000-toddobaadkii

7. Sergio Ramos (Paris Saint-Germain) | £443,426-toddobaadkii

6. Frenkie de Jong (Barcelona) | £474,321-toddobaadkii

5. Eden Hazard (Real Madrid) | £508,143-toddobaadkii

4. Cristiano Ronaldo (Manchester United) | £515,385-toddobaadkii

3. Neymar (Paris Saint-Germain) | £916,446-toddobaadkii

2. Lionel Messi (Paris Saint-Germain) | £1,034,823-toddobaadkii

1. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain) | £1,478,249-toddobaadkii

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*