Halyeyga AC Milan ee Paolo Maldini ayaa loo magacaabay difaacii ugu wanaagsanaa ee soo mara taariikhda kubadda cagta, waxaanu hoggaaminayaa liis ka kooban 25 difaacyahan oo qaarkood ay wali kusii jiraan garoomada.
Maldini oo cimrigiisii ciyaarood oo dhan ku qaatay AC Milan, waligii uma ciyaarin naadi kale, waxaana muddo 25 sannadood ah oo uu xidhnaa garanka Milan uu kula guuleystay toddoba horyaal oo Serie A iyo shan Champions League.
Sannadkii 2002 ayuu ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah kaddib markii lasoo gabogabeeyey Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Korea iyo Japan, waxaana uu sidaa ku seegay koobkii 2006 ee uu waddankiisu ku guuleystay, kaas oo uu jeclaan lahaa in uu jeclaan lahaa in uu ka mid noqdo koobabka ku jira liiskiisa.
Afti laga qaaday taageereyaasha kubadda cagta ayaa codadka ugu badan la siiyey Maldini, hase yeeshee Nemanja Matic oo Manchester United u ciyaari jiray ayaa si lama filaan ah kusoo galay kaalinta labaad, halka kabtankii Barcelona ee Carles Puyol uu isaguna soo galay kaalinta saddexaad.
John Terry oo Chelsea kula guuleystay koobab badan iyo qaysarkii Jarmalka ee Franz Beckenbauer ayaa dhamaystiray shanta sare, halka Sergio Ramos uu soo cidhiidhsaday kaalinta shanaad.
Ramos oo muddo 16 sannadood ah u ciyaaray Real Madrid ayaa kula guuleystay 22 koob oo ay ku jiraan afar Champions League, hase yeeshee xagaagii hore ayuu si xor ah ugu wareegay PSG, hase yeeshee dhaawacyo ayaa ragaadiyey, waxaanu kaliya u saftay shan kulan.
Ruug-caddaagii xulka qaranka England ee Bobby Moore ayaa ku jira kaalinta toddobaad, waxaanu ka horreeyaa Roberto Carlos, Philippe Lahm iyo Gerard Pique oo buuxiyey tobanka sare.
Halkan kaga bogo 25ka difaac ee ugu fiicnaa taariikhda kubadda cagta ee ay taageereyaashu u codeeyeen
25. Lilian Thurman
24. Ashley Cole
23. Djalma Santos
22. Denis Irwin
21. Dani Alves
20. Cafu
19. Gary Neville
18. Vincent Kompany
17. Jaap Stam
16. Rafael Marquez
15. Fabio Cannavaro
14. Alessandro Nesta
13. Thiago Silva
12. Franco Baresi
11. Rio Ferdinand
10. Gerard Pique
9. Philipp Lahm
8. Roberto Carlos
7. Bobby Moore
6. Sergio Ramos
5. Franz Beckenbauer
4. John Terry
3. Carles Puyol
2. Nemanja Vidic
1. Paolo Maldini
Be the first to comment