TODDOBA Waxyaabood Oo Ku Cusub Horyaalka Premier League Oo Xilli-ciyaareedkan Aad Arki Doonto

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa waxyaabo ku cusub lagu arki doonaa xilli ciyaareedkan, waxaanay iskugu jiraan waxyaabo hore u jiray oo muddo maqnaa oo dib loosoo celiyey iyo ikhtiraac cusub oo lasoo kordhiyey.

Horyaalka Premier League oo lagu daahfuray Arsenal iyo Crystal Palace, ayaa waxa sannadkan lagu arki doonaa xiddigo waaweyn oo xiisaha sii kordhin doono, sida Erling Haalnad iyo Darwin Nunez oo lagu daray tababaraha cusub ee Manchester United ee Erin ten Hag.

Shaqsiyaadkan caanka  ah ee yimid kuma  jiraan isbeddellada iyo waxyaabaha cusub ee Premier League kusoo kordhay, hase yeeshee waa sharciyo, wajiyo caan ahaa oo ka baxay iyo waxyaabo dhaqan laga dhigtay sannadihii u dambeeyey oo hadda meesha laga saaray.

Toddoba isbeddel ayaa lagu soo koobay waxyaabaha ku cusub Premier League xilli ciyaareedkan, waxaanay qaarkood isku hoos gelayaan min laba, balse si duuduub ah waxay kala yihiin.

1. Gacan-qaadkii ciyaarta ka hor oo dib loosoo celiyey

Laga soo bilaabo sannadkii 2020 markii uu bilaabmay Fayraska Korona, waxa meesha laga saaray salaantii ciyaartoyda iyo garsooreyaasha ee ka hor inta aanay ciyaaruhu bilaabmin. Cabsi laga qabay faafidda fayraskaas ayaa keentay in ugu badnaan labada kabtan iyo garsooreyaashu ay isasalaamaan, balse hadda dib ayay usoo noqotay arrintani.

Ciyaartoyda ayaa ka hor inta aanay kulamadu bilaabmin is-gacan qaadi doona, sidoo kalena waxay ciyaartoydu salaami doonaan garsooreyaasha iyadoo aanay jirin wax baqasho ah.

2. Jilibkii dhulka la dhigayay kulamada ka hor oo meesha ka baxaya

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa isku raacay in meesha laga saaro dhaqankii xilli ciyaareedyadii u dambeeyey soo socday ee lagula dagaallamayey cunsuriyadda iyo faquuqa ku sallaysan midabka ee jilibka dhulka la dhigayay. Si buuxda meesha lagama saarayo, balse kulamada qaarkood ayaanay ciyaartoydu jilibka dhulka dhigi doonin.

Sidoo kale ciyaartoyda diidda inay jilibka dhulka dhigaan ayaan indho gaar ah lagu eegi doonin sidii hore u jirtay.

Toddobaadka koowaad ee furitaanka horyaalka Premier League iyo midka ugu dambeeya ee lagu soo xidhayo ayay ciyaartoydu jilibka dhulka dhigi doonaan. Sidoo kale kulamada Boxing day iyo ciyaaraha finalada ah ee Ingiriiska gudihiisa ayaa la jilbo-joogsan doonaa.

Bilaha October iyo March ayaa sidoo kale garoomada lagu soo bandhigi doonaa qoraal ah ‘No Room for Racism’ oo noqonaysa ‘Cunsuriyadda meel inaguma laha’.

3. Beddelka oo la kordhiyey

June 2020 ayaa loo ogolaaday kooxaha Premier League inay shan beddel sameeyaan maadaama uu jiray COVID-19 oo ay jirtay halis badan, balse xilli ciyaareedkii tegay ayaa meesha laga saaray oo kooxaha Premier League laga joojiyey in kasta oo horyaallada kale ee Yurub iyo Champions League laga ogolaa shanta beddel.

Horyaalka Premier League ayaa dib usoo celiyey shanta beddel oo sharci la ansixiyey ah, waxaanay dhamaan kooxaha Ingiriisku awoodi doonaan inay shan beddel sameeyaan.

Tababare ku-xigeenka Liverpool ee Pep Lijnders ayaa rumaysan in go’aankani uu badbaado u yahay kubadda cagta, isla markaana sida kooxuhu uga faa’iidaystaan beddelladkooda ay noqonayso waxa ugu xaasaasisan xilli-ciyaareedkan.

4. Fasax la gelayo

Horyaalka waddanka Ingiriiska ayaa lagu soo kordhiyey fasax la gelayo waqtiga jiilaalka, waana dhaqan hore u jiri jiray balse ay sannado badan ka hor inoogu dambaysay.

Sannadkan waxa saamaynaya horyaalka Premier League iyo kuwa kaleba Koobka Adduunka oo ka soconaya waddanka Qatar inta u dhaxaysa November 13 illaa December 26, waxaana waqtigaas fasax geli doona horyaalka Premier League.

Ciyaartoyda aan loo xulanin dalalkooda ee aan ka qayb-gelayn koobka adduunka iyo kuwa aanay waddamadoodu tartankaba qaybta ka ahayn ayaa sii joogi doona naadiyadooda oo tababarka sii qaadan doona, inkasta oo ay jirto soo jeedin ah in iyagana loo ogolaado inay guryahooda tagaan oo ay fasax galaan.

5. Duqii oo maqan

Kaddib 22 sannadood oo uu garsoore ka ahaa horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League, garsooraha caanka ah ee Mike Dean ayaa ka fadhiistay ciyaaraha waxaana uu markii ugu horreysay ka maqnaan doonaa gudaha garoonka.

Mike Dean ayaa waxa uu noqon doonaa kaliya garsoore VAR, waxaana uu raacayaa raadka labada garsoore ee Jon Moss iyo Martin Atkinson oo iyaguna hawlgab noqday xilli ciyaareedkii hore, halka Kevin Fried uu hoos ugu dhaadhacay garsooreyaasha heerka labaad.

6. Sharcigii rikoodha iyo offside-ka oo la beddelay

Waxa isbeddel lagu smaeeyey laadka rikoodheyaasha, gaar ahaan halka ay istaagayaan goolhayeyaashu marka rikoodhaha lagu laadayo. Isbeddel ayaa lagu sameeyey halkii uu goolhayuhu istaagi jiray waqtigii hore. Sharciga cusub ayaa dhigaya in ugu yaraan mid ka mid ah labada lugood ee goolhayuhu ay ka dambayso laynka rikoodhaha lagu laadayo.

Waxa kale oo isbeddel algu sameeyey sharciga offside-ka. Hore waxa ciyaartoyga loogu ogolaa inuu sii ciyaari karayo haddii uu laacib ka tirsan kooxda kale uu kubadda soo taabto iyadoo uu isagu ku jiro offside, laakiin hadda looma ogolaanayo haddii uu ciyaartoyga kooxda kale kubadda taabto iyo haddii kaleba.

7. Nidaam kubbado badan

Daraasad la sameeyey dhamaadka xilli ciyaareedkii hore ayaa muujisay in kubaddu ay kaliya garoonka ku jirto 55 daqiiqadood iyo toddoba ilbidhiqsi, inta kalena ay dibedda bannaanka taallo oo aan la ciyaarin. Waqtigaas ayaa waxa uu ku lumaa kubbad-tuurasho dhinacyada ah iyo laadka goolhayeyaasha.

Si meesha looga saaro waqtiga badan ee ay kubbaduhu bannaanka garoonka ku maqnaanayaan, waxa garoon walba lasoo dhigayaa toban kubbadood oo ciyaaarta loogu talo-galay. Marka ay kubaddu baxdo, ilbidhiqsiyo ayuu kubadda ku helayaa, sidoo kalena goolhayaha agtiisa ayay yaallaan laba kubbadood, halka garsooraha afraadna uu mid gacanta ku hayo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*