TOBBANKA Daafac Ee Ugu Goolasha Badan Taariikhda, Midka Booska 1-aad Een La Hawaysan Karin & Booska Sergio Ramos

Sergio Ramos ayaa ahaa waayihiisa ciyaareed mid goolka hortiisa dilaa ku ah oo shabaqa la saaxiib ah, Sergio oo shalay 36 sano jirsaday ayaa ah mid dhalinta kubaddaha jooga sarre aad ugu fiican sidoo kalena aad u dagan marka uu rigoorayasha tuurayo.

Ramos ayaa mudada uu garoomada kusoo dhex jiray soo dhaliyay 129 gool waxaana uu 106 kamida kusoo dhaliyay heer kooxeed halka uu 23 usoo saxeexay xulka dalkiisa Spain.

Laakiin su’aash ayaa ah halkee ayuu kaga jiraa liiska daafcyada ugu goolasha badan taariikhda kubadda cagta, il-wareedka talkSPORT ayaa soo bandhigay liiskaas.

Booska koowaad ayuu xorraystay daafacii hore ee kooxaha Ajax iyo Barcelona haatana ah tababaraha ee Ronald Koeman oo 253 gool soo dhaliyay waxaana booska labaad ee ugu soo dhaw 175 gool ku jooga Daniel Passarella oo ahaa kabtankii xulkii Argentina ee kusoo guuleystay koobka aduunka 1978.

Kaalinta saddexaad ayuu ku jiraa halyeeyga kooxda Real Madrid ee Fernando Hierro 163 gool halka ay kaalmaha afraad iyo shanaad soo dhammaystirayaan Laurent Blanc (153 gool) iyo Graham Alexander (130 gool).

Liiska Oo Dhammaystiran

  1. Ronald Koeman – 253 goals
  2. Daniel Passarella – 175 goals
  3. 3. Fernando Hierro – 163 goals
  4. Laurent Blanc – 153 goals
  5. Graham Alexander – 130 goals
  6. Sergio Ramos – 129 goals
  7. Steve Bruce – 113 goals
  8. Paul Breitner – 113 goals
  9. Roberto Carlos – 113 goals
  10. Franz Beckenbauer – 109 goals

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*