Tababaraha kooxda kubadda cagta Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sharraxaad ka bixiyey sababta uu kursiga kaydka u geliyey kubbad-sameeyaha reer England ee Mason Mount ciyaarta adag ee Manchester City.
Blues ayaa Manchester City oo toban dhibcood ka hroreysa ugu tagtay Etihad Stadium, waxaana si lama filaan ah kaydka loogu arkay Mason Mount oo ay taageereyaashu filayeen inuu hoggaamin doono kooxda.
Tuchel ayaa shan beddel ku sameeyey safkii uu kula ciyaaray Tottenham lugtii labaad ee semi-finalka Carbaao Cup ee guusha soo hooyey, waxaanu keenay Thiago Silva, Marcos Alonso, N’Golo Kante, Hakim Ziyech iyo Christian Pulisic.
Ciyaartoyda la fadhiisiyey ayaa waxa ka mid noqday Mason Mount, sidoo kalena waxa shaxda hore ka baxay Andreas Christensen oo karantiil ku jira, Jorginho, Cullum Hudson-Odoi iyo Timo Werner.
“Waxa kale oo aanu dooranay Christian iyo Hakim maadaama ay labada lugood ku ciyaarayaan, wayna ka orod badan yihiin Mason. Dhamaystirkana waxa aanu u qaadanay Romelu Lukaku.”
Be the first to comment