Thomas Tuchel Oo Loo Sheegay Labada Xiddi Ee Kaliya Ee Haddii Ay Helaan Ay Horyaalka Premier League Kula Tartami Doonaan Man City & Liverpool

Halyeyga Talyaaniga ah ee Alessandro Del Piero ayaa u sheegay Chelsea laba ciyaartoy ee ay u baahan yihiin in ay la saxeexdaansi ay ugu tartami karaan horyaalka Premier League iyo tartamada kale oo dhan xilli ciyaareedka soo socda, waxaanay taladiisu imanaysaa iyadoo Blues ay qarka u saaran tahay saxeexa laacibka reer Brazil ee Raphinha iyo sidoo kale Raheem Sterling oo ay kala soo wareegayaan Leeds United iyo Manchester City.

Blues ayaa u baahan in ay isxoojin samayso oo ay buuxiso boosaska ay banneeyeen Antonio Rudiger iyo Andreas Christensen oo si xor ah uga tegay iyo sidoo kale Romelu Lukaku oo isaguna heshiis amaah ugu wareegaya Inter Milan.

Thomas Tuchel iyo mulkiilaha cusub ee Chelsea ee Todd Boehly ayaa isku waafaqsan in kooxdoodu aanay ku socon karayn sida ay hadda tahay, gaar ahaan weerarka iyo difaaca, waxaana uu tababaruhu si gaar ah u dareensan yahay in aanu xilli ciyaareedkan haysanin difaac uu ku dagaal-geli karo oo kaliya Thiago Silva, Trevoh Chalobah iyo Malang Sarr ay yihiin difaacyada dhexe ee uu haysto, kuwaas oo labada dambena uu saluug ka qabo.

Halyeyga Talyaaniga ee Alessandro Del Piero ayaa u sheegay Thomas Tuchel in uu la saxeexdo labada difaac ee Juventus iyo Napoli ee Mathijs de Ligt iyo Kalidou Koulibaly, si ay u noqdaan koox tartami karta.

Del Pierro ayaa sidoo kale sheegay, in De Ligt uu yahay ciyaartoy orod badan oo hannaankiisa difaacu aanu kusoo baxayn Talyaaniga laakiin aad ugu soo bixi lahaa Chelsea.

Waxa  kale oo uu sheegay, in Koulibaly oo sannad kali ahi ka hadhsan yahay qandaraaskiisa Napoli uu isaguna yahay ciyaartoy ku habboon hannaanka ciyaareed ee Chelsea.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*