Telefishan Cusub Oo La Siiyey Xuquuqda Baahinta Champions League

Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa heshiis la gaadhay AMAZON oo ay ku wareejiyeen xuquuqda baahinta ciyaaraha Champions League ee muddada u dhaxaysa 2024 illaa 2027, waana muddo saddex sannadood ah oo lacag badan ay UEFA ka samayn doonto.

Amazon Prime Video ayay u noqon doontaa markii ugu horreysay ee ay tabiso ciyaaraha Champions League, iyagoo horena laba wareeg oo horyaalka Premier League ah usoo gudbinayay sannad kasta laga soo bilaabo 2019kii.

Gudaha waddanka UK ayaa waxa Champions League laga daawan doonaa BT Sports, waxaanay sii haysan doontaa illaa laga gaadhayo 2024.

UEFA ayaa waxay sannadkii 2015 heshiis la gaadhay BT Sports oo bixinaysa illaa xilli ciyaareedka dambe lacag  gaadhaysa £1.2 bilyan oo Gini, hase yeeshee Amazon ayaa sare u qaadday lacagta xuquuqda baahinta oo gaadhsiisay £1.5 bilyan oo Gini, waana sababta ay UEFA ugu wareejisay tabinta ciyaarahan.

Amazon ayaa sannadihii ugu dambeeyey waxay soo gashay saaxadda ciyaaraha oo ay kusoo fidday, waxaanay nasiib u yeelan doonaan inay la kowsadaan isbeddelka lagu samaynayo Champions League oo la kordhinayo tirada kooxaha ka qayb-gelaya.

Waxay warbaahintani hore u tabin jirtay ciyaaraha Champions League gudaha waddanka Jarmalka, laakiin dhaqaale badan oo ay heshay ayaa u saamaxday inay soo gasho Premier League oo ay kulamada qaarkood yeelato iyo hadda oo ay si duuduudb ah gacanta ugu dhigtay Champions League, gaar ahaan gudaha UK.

Telefishannada Sky Sports iyo Premier League ayaa kula tartamayay Amazon Prime Video in la siiyo baahinta xuquuqda Champions League, waxaase tartanka  ku guuleystay Amazon oo lacagta uu soo bandhigay ay aad uga badnayd midda telefishannada kale.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*