Tartankii Raphinha Oo Waji Cusub Yeeshay, Arsenal Oo Dardar Kusoo Gashay & Halkay Wax Marayaan

Tartanka loogu jiro garabka kooxda Leeds United ee Raphinha ayaa sii xoogaystay waxaana markan loolanka si dhab ah usoo gashay kooxda waqooyiga London ee Arsenal.

Sida uu sheegayo wargeyska The Times, Arsenal ayaa aad u doonaysa saxeexa xiddiga ree Brazil walow ay sidoo kale dhinacooda isha kaga hayaan Barcelona iyo Tottenham.

Barcelona ayaa inta ugu badan lala xidhiidhinayay Raphinha balse heshiiskaas ayaa haatan u muuqda mid aan suurogalayn walow ay ciyaaryahanka heshiiska shaqsiga ah dhawr bilood kahor la gaadheen.

Tababare Mikel Arteta ayaa la sheegayaa inuu si weyn ula dhacsanaa qaab ciyaareedka Raphinha oo xilli ciyaareedkii tagay 11 gool horyaalka kasoo dhaliyay saddex kalena caawiyay.

Haddii uu ku biiro Arsenal ayay sababi kartaa in Bukayo Saka u wareego garabka midig isla markaana uu Nicolas Pepe gabi ahaanba kooxda ka hayaamo.

Raphinha ayaa horumar wanaagsan soo sameeyay tan iyo markii uu Leeds kaga soo biiray Rennes sanadkii 2020, hore waxa uu ugu soo ciyaaray Sporting Lisbon iyo Vitoria.

Arteta ayaa aad u doonaya saxeexyo cusub maadaama oo wali hammigiisu yahay ku laabashada Champions League. Gunners ayaa hore ugu dhawaaqay saxeexa Marquinhos oo Sao Paulo kaga soo biiray.

Sidoo kale Arsenal ayay kaliya shaacintu uga hadhsantahay heshiiska Fabio Vieira oo Porto kaga yimid halka ay meel fiican marinayso wadahadalada weeraryahan Gabriel Jesus oo Man City kaga imanaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*