Tababare Jose Mourinho ayaa doonaya in UEFA ay samayso sharci cusub oo tartamadeeda ah oo ay isbeddel ku samayso midkii hore ee lagu maamulo Champions League iyo Europa League, kaas oo uu sheegay inuu abuuri doono caddaalad iyo xiise ay yeeshaan tartamadu.
Mourinho oo kooxdiisa AS Roma ay wareeggii 16ka Europa League kusoo jiidhay Real Sociedad ayaa waxa uu usoo jeediyey UEFA in kooxaha kasoo dhaca Champions League laga joojiyo inay ka qayb-galaan tartanka Europa League, kuwaas oo uu sheegay inay dilayaan xiisihii iyo miligihii tartanka.
Siddeed kooxood oo kaalmaha saddexad kaga dhamaystay wareeggii group-yada Champions League ayaa ka mid noqda tartanka Europa League oo isku-aadka wareegga 32ka lagu dara sannad walba, waan kuwa uu diiddan yahay Jose Mourinho.
Isaga oo la hadlayay warbaahinta yuu yidhi:”Aniga aragtidayda waxa jira kooxo ay tahay in aanay ka mid noqon trtanka Europa League. Haddii laga soo cidhib-tiro tartan kale, waa in ay guryahooda tagaan.
Be the first to comment