Tababaraha Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa maanta ku guuleystay koobkiisii 22aad ee intii uu ku jiray xirfadda tababarenimo, waxaana uu dhigay raariikh cusub oo aanay jirin cid uga horreysay.
Carlo Ancelotti oo ka mid ah tababareyaasha ugu khibradda badan dunida waqtigan, ayaa waxa kusoo guuleystay dhamaan shanta horyaal ee waaweyn ee Yurub, waxaana ka dhinnaa LaLiga oo sannadihii 2014 iyo 2015 aanay u suurtogelin inuu ku guuleysto.
Sidii ay ku bilowdeen guulaha Carlo Ancelotti
Sannadkii 2004 ayuu Carlo Ancelotti ku guuleystay horyaalka Serie A oo uu la qaaday AC Milan, waana sannad kaddib markii uu ku hoggaamiyey Champions League oo ay qaadeen.
Waxa laga yaabaa, in ay layaab kugu noqotay in aad maqasho in Carlo Ancelotti uu hal mar oo kaliya ku guuleystay horyaalka Serie A, waligiina mar kale ma uu qaadin inkasta oo uu waqti badan joogay, sidoo kalena uu soo tababaray Juventus.
Sannadkii 2010 ayuu horyaalka Premier League la qaaday Chelsea, waxaana uu sidoo kale Blues u qaaday koobab kale kale oo iyaguna ugu suntan taariikhdiisa, laakiin waxaynu hadda ku koobnaanaynaa dhinaca horyaallada oo kaliya.
PSG ayuu seeska u dhigay markii ay qoyska reer Qatar iibsadeen, waxaana uu sannadkii 2013 ku hoggaamiyey horyaalka oo ay sannado aad u badan ka maqnaayeen. Waxa uu usii dhaafay Real Madrid oo muddo laba sannadood ah oo uu hoggaamiyey uu la qaaday Chelsea League balse uu awoodi waayey inuu horyaalka LaLiga qaado.
Bayern Munich ayuu xilli ciyaareedkii 2016-17 la qaaday horyaalka Bundesliga, waxaana uu taariikhdiisa dhamaystirtay xilli ciyaareedkan 202-22 oo uu Real Madrid kula guuleystay horyaalka LaLiga, sidaas ayaanu ku noqday tababaraha kaliya ee hantiyey shantaas horyaal ee waaweyn.
Imisa koob ayuu Ancelotti ku guuleystay, maxay se kala yihiin?
Carlo Ancelotti waxa uu ku guuleystay 22 koob muddo 25 sannadood oo uu tababare ahaa, mana jiro koobab waaweyn oo uu Carlo Ancelotti tebayo oo ka maqan.
Kooxihii uu soo layliyey iyo koobabkii uu la qaaday
Juventus: Intertoto Cup
AC Milan: Serie A, Coppa Italia, Supercoppa Italiana, Champions League (twice), UEFA Super Cup (twice), Club World Cup
Chelsea: Premier League, FA Cup, Community Shield
PSG: Ligue 1
Real Madrid: La Liga, Copa del Rey, Supercopa de Espana, Champions League, UEFA Super Cup, Club World Cup
Bayern Munich: Bundesliga, DFL-Super Cup (laba jeer)
Be the first to comment