TAARIIKH: Barcelona 8-3 Real Madrid – Xasuuqii Xalay Iyo Dhacdooyinkii Ku Lamaanaa Oo La Geliyey Diiwaanka Taariikhda Kubadda Cagta

Claudia Pina ayaa dhalisay goolkii riyada habeenkii riyada Barcelona kulankii ay xalay 5-2 ku xasuuqeen Real Madrid oo marti ugu ahayd Camp Nou, kaas oo laga diiwaangeliyey taariikho ku cusub kubadda cagta.

Barcelona iyo Real Madrid ayay kooxahooda haweenku iskugu soo baxeen wareegga siddeedda tartanka Champions League, waxaana lugtii hore 3-1 kusoo badisay Barcelona oo gool lagala hormaray usbuucii hore ka daba timid, isla  markaana ku burburisay Los Blancos xilli ay taageereyaashu sii xasuusnaayeen xasuuqii xiddigaha wiilasha ee kooxdu ay 4-0 ugu soo geysteen wiilasha Real Madrid isla garoonkaas.

Xalay ayay Barcelona lugta labaad ku qaabbishay Real Madrid, waxaanay la timid shan gool, halka kooxda caasimadda Spain ay laba jeer shabaqa soo taabatay, waxaanay natiijadani ka dhigan tahay, in celceliska labadii lugood ay Barcelona ku badisay 8-3.

Ciyaartan ayaa la geliyey taariikhda, waxaanay noqotay kulankii ugu daawashada badnaa abid dunida oo dhan ee ciyaar kooxaha haweenka ah, waxaana garoonka Camp Nou kasoo xaadiray 91,553 taageere oo ciyaarta daawaday.

Waxa kale oo ay ciyaartani noqotay kulankii Yurub oo dhan loogu daawashada badnaa xilli ciyaareedkan marka la isku daro ciyaaraha kubadda cagta ee kooxaha wiilasha iyo hablaha intaba, mana dhicin in ciyaarihii waaweynaa ee Champions League ee aynu xilli ciyaareedkan aragnay ay tiro intaas le’eg yimaaddaan garoomada.

Waxay ciyaaartani jabisay rikoodhkii daawashada ee Finalkii Koobka Adduunka 1999kii ee haweenka Maraykanka iyo China oo ay daawadeen 90,185 qof oo garoonka yimid.

Inta la ogyahay, ciyaarta taariikhda kubadda cagta loogu daawashada badnaa ayaa ahayd finalkii Koobka Adduunka ee Denmark iyo Mexico ee sannadkii 1971kii oo qiyaastii ay garoonka fadhiyeen 110,000 qof, hase yeeshee rikoodhka si fiican uguma jiro rikoodhkaasi maadaama aanay si fiican u sugnayn tirada fadhiday garoonku.

Mapi Leon ayaa Barcelona xalay hoggaanka u dhiibtay daqiiqaddii siddeedaad ee bilowga ciyaarta, iyadoo ay garoonka fadhiyeen halyeeyada Barcelona ee Xavi Hernandez iyo Carles Puyol, waxaanu goolkani ahaa midkii koowaad ee ay difaacani ka  dhaliso tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, iyadookubadda si fudud u dhaafisay goolhayaha Real Madrid ee Maria Rodriguez.

Lix daqiiqadood gudahood ayay Real Madrid ku barbarraysay, waxaana rikoodhe u dhalisay Olga Carmona kaddib markii ay kubaddu gacanta kaga dhacday Irena Paredes oo Barcelona ka tirsan.

Afar gool oo kale ayay Barcelona la timid halka Real Madrid ay gool kale keensatay, waxaanay ciyaartu kusoo dhamaatay 5-2, waxaana wadarta labada lugood ay Barcelona kusoo gudubtay 8-3.

Barcelona oo 26kii ciyaarood ee ugu dambeeyey dhamaan tartamada wada badisay, isla markaana difaacanaysa tartanka Champions League ayay ku jiraan xiddigaha ugu wanaagsan adduunyada waqtigan ee dhinaca haweenka, waxaanay semi-finalka la ciyaari doontaa Arsenal ama Wolfsburg.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*