Super Cup Final!!! Shaxda Real Madrid Kusoo Gashay Oo Layaab Keentay

Carlo Ancelotti ayaa waqti hore soo saaray shaxda kooxdiisu kula ciyaarayso Athletic Bilbao kulanka Finalka Spanish Super Cup ee ka dhacay magaalada Riyadh ee waddanka Sucuudi Carabiya, waxaana safka koowaad lagu arkay magacyo layaab ku noqday taageereyaasha oo markiiba ay falcelin ka sameeyeen.

David Alaba oo ay hore kooxdu u shaacisay inuu ka maqan yahay ciyaartan ayaa layaab ku riday taageereyaasha kaddib markii uu kusoo baxay shaxda kooxda, isaga oo difaaca dhexe kula soo bilowday Eder Militao.

Difaaca reer Austria ayaa ka mid ahaa saddex ciyaartoy oo lagu qoray maqnaansho, waxaanay labada kale ahaayeen Marco Asensio iyo Dani Carvajal oo Fayraska Korona iyo dhaawac ku maqnaanaya.

Real Madrid oo saacad iyo badh ka hor ciyaarta soo saartay shaxdeedii ayaa kaydka ku jira xiddigii guusha u keenay kulankii Barcelona ee Fede Valverde, waxaana uu booska ka riixan kari waayey Toni Kroos, Casemiro iyo Luka Modric.

Eden Hazard ayaa kaydka ku caajisi doona mar kale, isaga oo ka tuugi doona Ancelotti inuu beddel kusoo geliyo si uu uga mid noqdo xiddigaha ay taariikhda u gelayso inay ciyaareen finalka Spanish Super Cup, waxaana ka soo hormaray Rodrygo Goes oo afka hore ee weerarka kula soo bilowday Karim Benzema  iyo Vinicius Junior.

Shaxda rasmiga ah ee Real Madrid kula ciyaarayso Athletic Bilbao

Real Madrid XI: Thibaut Courtois; Lucas Vazquez, Eder Militao, Nacho Fernandez, Ferland Mendy; Luka Modric, Casemiro, Toni Kroos; Rodrygo Goes, Karim Benzema, Vinicius Junior.

Kaydka: Lunin, Fuidias, Nacho, Eden Hazard, Marcelo, Fede Valverde, Luka Jović, Dani Ceballos, Isco, Camavinga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*