‘Shut up Please!’ – Rio Ferdinand Oo Cadho Kula Dul-dhacay Steven Gerrard

Halyeyga Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa cadho kula dul-dhacay halyeyga Liverpool ee Steven Gerrard xilli uu ka qayb-gelayay dood ku saabsanayd Frank Lampard iyo Rio Ferdinand oo uu si toos ah ula saftay halyeyga Chelsea ee Lampard.

Dood ka dhacday barta YouTube-ka ee VIBE with Five uu ku martigeliyey Rio Ferdinand oo Joel Beya uu kala soo qayb-galay Ferdinand ayay ku dul istaageen saamayntii ay Premier League ku lahaayeen Steven Gerrard iyo Lampard.

Joel Beya ayaa sheegay, in Gerrard uu aad uga saamayn badan yahay Lampard marka ay noqoto xiddigihii khadka dhexe ee ugu wanaagsanaa ee oso maray horyaalka Premier League, laakiin Rio Ferdinand oo u jawaabay ayaa yidhi: “Ma Lampard? Lampard waxa uu dhaliyey goolal aynaan maanta oo dhan dhalin karayn. Min 20 gool ayuu dhalinayay afar ama shan xilli ciyaareed oo xidhiidh ah.

“Maya, maya, maya, anigu kuguma raacsani taas. Iskama fadhiisan kartid halkan oo aadyar ma odhan kartid Frank Lampard wuxuu ugu hooseeyaa liiskaas.”

Beya ayaa hadalka qaatay oo u jawaabay Rio Ferdinand, waxaanu yidhi: “Lampard uma saamayn badnayn sida Steven Gerrard.”

Rio Rerdinand ayaa markaas kaddib cadhooday, waxaanu yidhi: “Shut up, please! ‘Fadlan naga aamus’! Ma maqli karayo waxaas oo kale.

“Waxa aad leedahay ‘isagu ma saamayn badnayn,. Lampard 20 gool ayuu dhalinayay shan ama lix sannadood oo isku xigta. Ma jiro ciyaartoy kale oo taariikhda Premier League sidaas oo kale sameeyey.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*