Labada kooxood ee ugu sarreeya horyaalka Premier Leageu wakhtigan ee Manchester City iyo Chelsea ayaa galabta fooda isku daraya gegida Etihad Stadium iyaga oo leh laba ujeedo oo kala duwan.
Sky Blues oo haatan tobban dhibcood hoggaanka horyaalka ku haya ayaa doonaya libin ay 13 dhibcood oo saafi ah kusii tagaan halka Blues ay isha ku hayaan saddex dhibcood oo ay tartanka horyaalka kusoo nooleeyaan.
Tababare Guardiola ayaa kulankan kusoo bilaabay Jack Grealish bedelka Riyad Mahrez oo koobka qaramada Africa ku maqan halka Romelu Lukaku uu hoggaaminayo safka Chelsea ee Malang Sarr daafaca uga soo muuqday
Shaxda Labada Kooxood Ee Kulankan
Man City: Ederson, Walker, Stones, Laporte, Cancelo, Rodri, De Bruyne, Foden, Bernardo Silva, Grealish, Sterling.
Keydka: Steffen, Dias, Gundogan, Jesus, Fernandinho, Mbete, McAtee, Lavia, Wilson-Esbrand.
Chelsea: Kepa, Thiago, Rudiger, Sarr, Azpilicueta, Kante, Kovacic, Alonso, Pulisic, Ziyech, Lukaku.
Keydka: Bettinelli, Jorginho, Werner, Loftus-Cheek, Saul, Barkley, Mount, Hudson-Odoi, Havertz.
Be the first to comment