Shaxda Adag Ee Arsenal Ay Kaga Dagaallami Doonto Horyaalka Premier League & Xiddigaha Ku Cusub

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa qorshaynaysa in ay ugu yaraan laba saxeex oo waaweyn kusoo kordhiso safkeeda  usbuucyada soo socda, si ay u dhamaystiraan qorshaha suuqa ee Mikel Arteta oo doonaya inuu naadigan dib ugu soo celiyo fagaareyaasha Yurub gaar ahaan Champions League, kaddib markii ay xilli ciyaareedkii tegay ku dhamaysteen kaalinta shanaad oo ay waqti dambe Tottenham kala baxday booska afraad.

Inkasta oo aanay kasoo qayb-gelin Champions League, haddana Arsenal ayaa horumar weyn samaysay xilli ciyaareedkii tegay marka la barbar-dhigo sidii ay ahaayeen xilli ciyaareedkii ka horreeyey ee 2020-21, waxaanay xoogsadeen 69 dhibcood oo ay kaalinta shanaad ku yimaaddeen.

Mikel Arteta ayaa sameeyey laba saxeex xagaagan, waxaanu lasoo wareegay Maruqinhos oo u dhashay waddanka Brazil oo ay kasoo iibsadeen Sao Paulo iyo Fabio Vieira oo ay £35 milyan oo Gini kagala soo gateen FC Porto, wali se ma dhowa qorshahoodii suuqu, waxaanay doonayaan in ay illaa laba saxeex ookale sameeyaan.

Ciyaartoyga ay sida weyn u doonayaan ayaa ah weeraryahanka Manchester City iyo Gabriel Jesus iyo difaaca kooxda Ajax ee Lisandro Martinez, kuwaas oo isku-darkooda ay ku doonayso lacag gaadhaysa £70 milyan oo Gini.

Haddii ay Gunners ku guuleysato saxeexyadan labada ah ee shiishkoodu saaran yahay, waxay xilli ciyaareedka soo socda la shir iman doonaan shax adag oo Mikel Arteta u sahli doonta inuu kaalmaha sare kula tartamo naadiyada waaweyn, inkasta oo aanay noqon doonin xiddigo horyaalka ka dhacsan kara Manchester City iyo Liverpool oo ay u badan tahay in ay kaalinta koowaad iyo labaad ku dhamaysan doonaan.

Shaxda Arsenal ayaa noqon doonta 4-3-3, waxaana goolka u hayn doona Aaron Ramsdale oo kursiga kaydka dhigay Bernd Leno oo hadda  la filayo inuu ka tago Arsenal, halka afarta difaac ee Tomiyasu, Ben White, Gabriel Magalhaes iyo Tierney ay iyaguna sii ahaan doonaan xiddigaha haysanaya difaaca dhexe.

Halkan kaga bogo shaxda Arsenal ku ciyaari doonto 

Goolhaye – Ramsdale

Difaaca – Tomiyasu, White, Gabriel, Tierney

Khadka  dhexe – Vieira, Partey, Odegaard

Weerarka– Saka, Jesus, Martinelli

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*