Shaxaha Rasmiga Ah Ee Liverpool vs Brentford – Klopp Oo Beddelay Qaabkii SADDEXDA Weerar

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa garoonkeeda ku qaabbilaysa Brentford iyadoo ogsoon inay kaalinta labaad kala bixi karayso Chelsea, laakiin ay aad uga dambeeyaan Manchester City oo 14 dhibcood ka  horreysa, taas oo ay tahay inay ugu yaraan saddex dhibcood kasoo jaraan si ay ugu sii hammiyi karaan inay horyaalka ku tartami karaan.

Liverpool ayaa sidoo kale ay tahay inay ka aargoosato Brentford oo kulankoodii hore ee xilli ciyaareedkan barbarro 3-3 ah kusoo qabatay.

Jurgen Klopp ayaa isbeddelo ku sameeyey shaxdii uu Khamiistii kula ciyaaray Arsenal ee barbarraha keentay, waxaana uu weerarka  kusoo wada bilaabay Diogo Jota iyo Roberto Firmino oo weerarka ka  wada ciyaaraya, waxaana ka dambeeya afar ciyaartoy oo khadka dhexe ah.

Oxlade-Chamberlain iyo Curtis Jones ayaa beddelay James Milner iyo Minamino, waxaanay ka garab ciyaarayaan Jordan Hendereson iyo Fabinho, halka difaacana ay Robertson, Van Dijk, Matip iyo Trent Alexander-Arnold goolka la ilaalinayaan Alisson Becker.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Liverpool XI: Alisson, Alexander-Arnold, Matip, van Dijk, Robertson, Henderson, Fabinho, Jones, Oxlade-Chamberlain, Jota, Firmino

Kaydka: Kelleher, Konate, Milner, Gomez, Minamino, Tsimikas, Gordon, Williams, Morton

Brentford XI: Fernandez, Ajer, Jansson, Pinnock, Roerslev, Janelt, Norgaard, Baptiste, Henry, Mbeumo, Toney

Kaydka: Lossl, Canos, Jensen, Forss, Wissa, Ghoddos, Bidstrup, Sorensen, Stevens

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*