Kooxda hoggaanka u haysa horyaalka Premier League ee Arsenal ayaa galabta gegida Emirates Stadium ku qaabilaysa dhigeeda Crystal Palace oo aan tababare rasmi ahi haysan.
Palace ayaa shaqada tababarenimo ee kooxdeeda ka caydhisay halyeeyga Gunners ee Patrick Vieira Khamiistii taas oo ka dhigan inuusan wajihi karin kooxdiisii hore.
Gunners ayaa guul ay kulankan ka gaadhaan dhigooda London la degen siddeed dhibcood oo saafiya hoggaanka ugaga sii qaban doona Man City oo iyadu toddobaadkan FA Cup ku mashquushay.
Rob Holding ayaa booska daafaca dhexe kuklankan ka bedelay William Saliba oo mudo dhaawacyo ku maqnaanaya, Trossard ayaa markale weerarka kaga soo hormaray Jesus.
Shaxaha Rasmiga Ah
Arsenal: Ramsdale; White, Holding, Gabriel, Zinchenko; Partey, Xhaka; Saka, Odegaard, Martinelli; Trossard.
Keydka: Turner, Tierney, Jesus, Smith Rowe, Kiwior, Jorginho, Vieira, Nelson, Walters.
Crystal Palace: Whitworth; Ward, Andersen, Guehi, Mitchell; Milivojevic, Doucoure, Schlupp; Olise, Edouard, Zaha.
Keydka: Goodman, Tomkins, Ayew, Eze, Mateta, Clyne, Hughes, Richards, Ahamada
Be the first to comment