Shaxaha Rasmiga Ah Ee Crystal Palace vs Arsenal – Vieira Iyo Arteta Oo Shaxo Adag Lasoo Shir Tegay

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa caawa dib u bilaabmaya, waxaana lagu furayaa kooxaha reer London ee Arsenal iyo Crystal Palace oo ciyaartoydoodu ay hadda ku sugan yihiin garoonka Selhurst Park ee ay iska leedahay Crystal Palace.

Labadii ciyaartoy ee iskaga dambeeyey Arsenal ee Patrick Vieira oo muddo dheer kabtan u ahaa Gunners iyo Mikel Arteta ayaa foodda is-daraya, waxaanu mid walba u dagaallamaya sidii uu guusha kooxdiisa ugu go’aamin lahaa.

Kooxda martida loo yahay ee Crystal Palace ayaa waxa xagaagan kusoo kordhay laba ciyaartoy oo uu tababare Patrick Vieira la saxeexday, waana Crhis Richards iyo Malcolm Ebiowei, halka Arsenal ay iyaduna isku xoojisay shanta ciyaartoy ee Gabriel Jesus, Oleksandr Zinchenko, Turner, Fabio Vieira iyo Marquinhos.

Crystal Palace ayaa waxa ugu soo bilaabmay Edouard oo afka hore ay iska kaashanayaan Wilfried Zaha iyo Andrew Ayew, halka khadka dhexena uu taagan yahay laacibkii hore ee Everton ee Doucoure oo ay iska  garab ciyaarayaan Schlupp iyo Eze.

Mikel Arteta ayaa isaguna kusoo bilaabay saxeexa cusub ee reer Brazil ee Gabriel Jesus iyo laacibka ay isku waddanka yihiin ee Gabriel Martinelli, halka  khadka dhexena ay ka wada ciyaarayaan Martin Odegaard, Bukayo Saka, Granit Xhaka iyo Thomas Partey.

Waxa kale oo kulankiisii koowaad kasoo muuqanaya Oleksandr Zinchenko oo Arsenal ay toddobaadkii hore kasoo iibsatay Manchester City, waxaana uu difaaca bidix kala baxay Tierney, halka Willian Saliba oo kasoo laabtay amaah uu isaguna kula soo bilowday Gabriel iyo Ben White.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Crystal Palace XI: Guaita, Clyne, Andersen, Guehi, Mitchell, Doucoure, Schlupp, Eze, Ayew, Zaha, Edouard.

Kaydka: Johnstone, Ward, Milivojevic, Mateta, Hughes, Ebiowei, Richards, Riedewald, Plange.

Arsenal XI: Ramsdale, White, Saliba, Gabriel, Zinchenko, Partey, Xhaka, Saka, Odegaard, Martinelli, Jesus.

Kaydka: Turner, Tierney, Nketiah, Holding, Cedric Soares, Pepe, Lokonga, Nelson, Elneny.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*