Shaxaha Rasmiga Ah Ee Chelsea vs Everton – N’Golo Kante Oo Dib Usoo Noqday Iyo Isbedellada Uu Sameeyey Graham Potter

Graham Potter ayaa saddex isbeddel ku sameeyey shaxdii uu toddobaadkii hore ku garaacay Leicester City, isaga oo dib ugu soo celiyey shaxdiisa Benoit Badiashile, Reece James iyo Chrisian Pulisic, waxaanay beddelaeen Mykhailo Mudryk, Marc Cucurella iyo Ruben Loftus-Cheek.

Pulisic ayay u tahay ciyaartiisii koowaad ee uu kusoo bilowdo tan iyo January 5, laakiin waxa kaydka ku jira N’Golo Kante oo kasoo laabtay dhaawac muddo dheer uu u jiifay.

Everton oo kacdoon fiican ku jira ayaa iyadana uu tababare Sean Dyche ku adkaystay shaxdii uu toddobaadkii hore kula ciyaray Brentford, isaga oo dhinaca bidix ka ciyaarsiiyey Ben Godfrey, halka Demarai Gray uu isaguna weerarka kali ku ahaanayo, sababtoo ah Alex Iwobi ayaa dhinaca midig ee khadka dhexe la geeyey.

Weerarka Chelsea ayay ku midaysan yihiin Joao Felix, Kai Havertz iyo Christian Pulisic, halka khadka dhexena ay ka wada ciyaaarayaan Enzo Fernandez, Mateo Kovavic iyo laba difaac oo dhinacyada ah oo hore loosoo riixay oo ah Ben Chilwell iyo Reece James.

Difaaca dambe waxa wada taagan Wesley Fofana, Kalidou Koulibaly iyo Badiashile, iyadoo ay dib usoo degayaan Reece James iyo Bel Chilwell.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Chelsea XI: Kepa; Fofana, Koulibaly, Badiashile; James, Fernandez, Kovacic, Chilwell; Pulisic, Havertz, Felix.

Kaydka: Bettinelli, Kante, Loftus-Cheek, Chalobah, Mudryk, Gallagher, Chukwuemeka, Madueke, Cucurella.

Everton XI: Pickford; Coleman, Keane, Tarkowski, Godfrey; Iwobi, Onana, Gueye, Doucoure, McNeil; Gray.

Kaydka: Begovic, Holgate, Mina, Mykolenko, Maupay, Davies, Coady, Garner, Simms.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*