Shaxaha Rasmiga Ah Ee Atletico Madrid vs Manchester United – Rangnick Oo Beddelay Falsafaddiisa Difaaca & Simeone Oo Kaydka Geliyey Suarez & Griezmann

Manchester United iyo Atletico Madrid ayaa loogu golaynayaa garoonka Wanda Metropolitano lugta hore ee wareegga 16ka tartanka Champions League, iyadoo labada kooxoodba ay u arkaan tartankan inuu yahay midka kaliya ee ay ku dagaallami karayaan maadaama ay tartamada waddamadooda inta badan ka  hadheen, horyaalladana ay meelo hoose kaga jiraan.

Ralf Rangnick ayaa soo qaddimay Cristiano Ronaldo iyo Raphael Varane oo muddo dheer oo ay u ciyaarayeen Real Madrid aqoon ugu soo yeeshay falsafadda ciyaareed ee Atletico Madrid.

Jadon Sancho ayaa xajistay garabka midig ee weerarka, waxaana sidoo kale lagu soo celiyey shaxda hore xiddiga reer England ee Marcus Rashford.

Bruno Fernandes ayaa khadka  dhexe ay ka wada ciyaarayaan Paul Pogba, Bruno Fernandes iyo Fred, waxaana gebi ahaanba garoonka ka maqan Scott McTominay.

Rangnick waxa uu beddelay falsafaddiisii ciyaareed, waxaana uu kusoo galay saddex difaac dhexe, waxaana uu meesha ka saaray difaacyahannada dhinaca  midigta isaga oo fadhiisiyey Diogo Dalot iyo Wan-Bissaka, sidoo kalena waxa uu hore u riixayaa Luke Shaw.

Tababaraha Atletico Madrid ee Diego Simeone ayaa isaguna  soo qaddimay Joao Felix iyo Correa, waxaana uu kaydka dhigay Luis Suarez iyo Antoine Griezmann, sidoo kalena Lemar iyo De Paul ayaa fadhida.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: De Gea, Shaw, Lindelof, Maguire, Varane, Fred, Pogba, Sancho, Fernandes, Rashford, Ronaldo.

Kaydka: Heaton, Henderson, Bailly, Jones, Mata, Lingard, Dalot, Alex Telles, Wan-Bissaka, Matic, Elanga, Mejbri.

Atletico Madrid XI: Oblak, Gimenez, Vrsaljko, Savic, Lodi, Reinildo, Kondogbia, Herrera, Marcos Llorente, Correa, Felix.

Kaydka: Lecomte, Christian, De Paul, Griezmann, Luis Suarez, Lemar, Felipe, Hermose, Javi Serrano.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*