SHANTA Daafac Bidix Ee Ugu Qaalisan Taariikhda, Koox Laba Ku Yeelatay & Booska Marc Cucurella

Kubadda cagta ayaa ah mid mudada ay taariikhdeedu soo taxnayd soo aragtay xiddigo badan oo tayo wanaagsan leh oo booska daafaca bidix ka ciyaara iyaga oo qaybtooda garoonka qabsanayay weerar ahaan iyo difaac ahaanba.

Kubadda cagta casriga ah ayaa ah mid daafaca bidix ka dalbata waxyaabo badan oo ay kamid yihiin inuu xawaare lahaado, cadaadis saaro kooxaha kasoo horjeeda, weerartamo, difaactamo isla markaana sida khadadka dhexe oo kale u baas fiicnaado.

Si kastaba, kaddib heshiiska qaaliga ah ee ay Chelsea kula wareegtay Marc Cucurella oo Brighton kaga soo biiray, waxaanu halkan kusoo bandhigaynaa shanta daafac bidix ee ugu qaalisan taariikhda.

Sida ay sheegayso shabakadda xog ururinta arrimaha suuqa ee Transfermarkt, Marc Cucurella ayaa noqonaya daafaca bidix ee ugu qaalisan taariikhda isaga oo 65 Milyan oo euro ugu qiimaysan Chelsea.

Booska labaad ayuu ku jiraa xiddiga xabsiga mudada dheer kaga jiray Man City ee Benjamin Mendy oo 57.5 Milyan euros ahi halka uu booska saddexaad soo galay Ben Chilwell oo isaguna isla Chelsea jooga.

Daafaca bidix ee Real Madrid ee Ferland Mendy ayaa heshiiskii uu Lyon kaga yimid booska afraad ku jooga halka uu shanta boos dhammaystiray Nuno Mendes oo PSG qayb ka ahi.

Liiska Oo Dhammaystiran

  1. Marc Cucurella – 65.3 Milyan euros
  2. Benjamin Mendy – 57.5 Milyan euros
  3. Ben Chilwell – 50.2 Milyan euros
  4. Ferland Mendy – 48 Milyan euros.
  5. Nuno Mendes – 38 Milyan euros

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*