Saxeexa Lukaku Kaddib Chelsea La Keenayo, Xiddiga Caddaystay Doonistiisa Man United & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Paris St-Germain ayaa doonaysa inay iibiso Neymar haddii ay dalab la aqbali karo u hesho balse ma doonayo isagu inuu baxo. (Goal)

Manchester United daafaceeda midig ee Brandon Williams ayaa 10 Milyan oo pound lagu iibin karaa. (Sun)

Garabka Ajax ee Antony ayay ka go’antahay inuu xagaagan ku biiro Manchester United. (Goal)

Ajax ayaa dalab kale ka gudbinaysa garabka Tottenham ee Steven Bergwijn balse Spurs ayaan wax ka yar 25 Milyan oo pound aqbali doonin. (Sky Sports)

Southampton ayaa isku dayaysa inay iska fogayso xiisaha Manchester City, Manchester United, Tottenham iyo West Ham oo xiisaynaya James Ward-Prowse iyaga oo 75 Milyan oo pound ku qiimaynaya iibkiisa (Give Me Sport)

Bayern Munich madaxeeda fulinta ee Oliver Kahn ayaa sheegay inuu rajaynayo inuu Robert Lewandowski kooxda sii joogo xagaagan wax dhaafsiisan. (Sky Sports)

Manchester City ayaa Brighton wadahadalo meel fiican maraya kagala jirta saxeexa daafaca bidix ee Marc Cucurella. (Football Insider)

Leeds United ayaa garabka PSV ee Cody Gakpo u doonaysa bedelka Raphinha oo bartilmaameed u ah Arsenal. (Foot Mercato – in French)

Leeds ayaa Raphinha oo ay sidoo kale xiisaynayaan Chelsea, Tottenham iyo Barcelona ku qiimaynaysa 65 Milyan oo pound, (Fabrizio Romano on Twitter)

Nice ayaa bartilmaameed ka dhiganaysa goolhayaha Chelsea ee Kepa Arrizabalaga. (Foot Mercato – in French)

Chelsea weeraryahankeeda Armando Broja ayaa u furan inuu ku biiro West Ham oo dalab 25 Milyan oo pound ah u diyaarinaysa. (Express)

Barcelona tababaraheeda Ousmane Dembele ayaa rajaynaya in Dembele heshiis cusub saxeexo xilli uu xiiso ka helayo Chelsea. (Goal)

Paris St-Germain iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale xiisaynaya Dembele. (Marca)

Reims khadkeeda dhexe ee Marshall Munetsi ayay Brighton ula saxeexan kartaa bedelka Yves Bissouma oo kaga biiray Tottenham.(Mail)

Loris Karius ayaa diyaar u ah bilaw cusub isaga oo ka tagaya Liverpool. (Sky Germany)

Chelsea ayaa sugaysa in Romelu Lukaku uu dhammaystiro heshiiska uu Inter Milan ugu laabanayo si ay ugu dhaqaaqdo garabka Manchester City ee Raheem Sterling. (Sky Sports)

Sterling ayaa ka tagi doona Man City kaliya haddii uu ku biirayo koox uu shaxdeeda joogto ka yahay oo u tartamaysa Champions League iyo koobabka maxaliga ah labadaba. (Times – subscription required)

Vinicius Jr ayaa sheegay inuu heshiis kordhin u samaynayo Real Madrid walow ay xiisaynayso Paris Saint-Germain. (Mail)

Weeraryahan Taiwo Awoniyi ayaa la filayaa inuu dhammaystiro heshiiska rekoodhka ah ee 17.5 Milyan pound ka ah ee uu ugu biirayo Nottingham Forest isaga oo ka tagaya. (BZ Berlin, via Mail)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*